Magaalada Hargeysa  Oo Laga Furey Shir lagaga hadlayo Doorka Haweenka Ee Doorashooyinka Dalka.

Hargeysa(RH)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta daah furay shir lagaga hadlayey Doorka haweenka ee Siyaasada iyo ka qeyb-galka Doorashooyinka Dawladaha hoose, waxaana shirkaasi goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdi Nuur Axmed, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Abokor Maxamed, qaar ka mida Maayirada iyo Xildhibaanada Golayaasha deegaanka ee Dalka.

sidoo kale masuuliyiinta Ururada Bulshada iyo qaar kamida hay’addaha caalamiga ah, iyo madax dhaqameedka gobolada dalka qaar ka mida

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland oo socon doono muddo laba cisho ah ayaa diirada lagu saarayaa caqabadaha hortaagan haweenka ee ka qeyb galka doorashooyinka iyo siyaasada dalka, waxaana kulankaasi lagu lafo guridoonaa arrimo kala duwan oo saldhig u noqon doona hannaanka ugu macquulsan ee haweenku ku iman lahaayeen kuraasta golaha deegaanka iyo Baarlamaanka.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in haweenku kaalin muhiim ah ku leeyihiin bulshada, sidoo kalena waxa uu shaaca ka qaaday in Dalalka adduunyada ee Horumaray oo ay ugu horeeyaan Maraykanka iyo Ingiriisku aanay weli ku dhiiran ka qeyb galka haweenka ee Siyaasadda isagoo xusay Madaxweyne ku xigeenku in 25% ay haweenku ka yihiin siyaasada dalalkaasi, taasina ay ku tusayso in waddamadii hoggaaminayey dimuqraadiyadu aanay wali kaalintaasi buuxin.

 

Category