Magaalada Laascaanood Oo laga Daah-furey Ololaha Talaalka Cudurka Dabaysha

Laascaanood(RH)Waxaa maanta si rasmi ah Magaaladda Laascaanood ee Xarunta Gobolka sool looga Daah-furey Ololaha Cidhibtirka Cudurka Dabaysha Wareegiisa Labaad oo lagu Talaalayo Caruurta ka yar shanta sano.

df

Mas’uuliyiin ka Socday Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo Madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in fariinta ay u Gudbinayaan Waalidiintu ay tahay sidii ay ubadkooda uga talaali lahaayeen Cudurka dabaysha isla markaana ay ula shaqayn lahaayeen Kooxaha fulinaya Talaalkan.

Isuduwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Gobolka Sool Dr Maxamud Xaaji Khaliif ayaa dhankiisa sheegay inay tababar u soo gabo gabeeyeen Hawl wadeenada fulinaya talaalkan Waxaanu intaas ku daray in Guud ahaan degmooyinka iyo deegaanada gobolka sool ay Maanta u ambo baxeen Kooxihii Talaalka Cudurka dabaysha wareegiisa labaad soo fulinaya. 

Category