Mala filayay waxa laga hadlay iyo wixii ka soo baxay shirka Dhuusamareeb?

Dhuusamareeb (RH)-Qodobbadii heshiiska ee ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb ayey siyaasiyiin iyo khubaro si kala duwan uga hadleen. "Wixii laga filayay ma ka heshiiyeen madaxda?" waa xaaladda la hadalhayo.

Wuxuu ahaa kullan ay ka qeybgaleen Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo madaxda shanta maamul-goboleed.

Madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa dalbaday kulanka madaxda ugu sareysa ee dalka si ay isula meel dhigaan sidii doorasho aan waqtigeeda dhaafin looga qaban lahaa Soomaaliya.

Shirka madaxda oo ka dheeraaday sidii la filayay waxaa la sheegay in si wayn loogaga hadlay doorashooyiinka la filayo in Soomaaliya ay ka dhacaan. Madaxda maamul goboleedyada waxay soo jeediyeen in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho "dadban" oo wakhtigeeda ku dhacda, halka baarlamaankana uu ku adkeysanayo in lagu dhaqmo sharciga doorashooyinka ee dhigaya doorasho qof iyo cod ah.

Dadka darsa arrimaha siyaasadda waxay qabaan in hadalka madaxda laga dheehan karay in aysan isku waafaqin arrimaha doorashooyinka oo dhowr bilood ay ka harsan yihiin.

Dr. Ibraahim Faarax Bursalid oo ka faallooda arrimaha Soomaalida ayaa BBC Somali u sheegay: "Muddo toddobaad ah oo Dhusamareeb la wada fadhiyay iyo wixii ka soo baxay shirka, waxaad moodaa in ay tahay wax hanjab ah".

Waxaa uu intaa raaciyay in wixii la filayay aanay meeshaas ka soo bixin, balse guusha in ay tahay in madaxda aysan kala tegin, maadaama aysan jirin khilaaf bannaanka u soo baxay iyadoo haddana la ogyahay in uu khilaaf u dhaxeeyay madaxda Federaalka iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada.

War murtiyeedkii ka soo baxay shirka ayaa lagu sheegay in madaxda ay isla meel dhigeen in dalka ay ka dhacdo doorasho ku qabsoonta wakhtigeeda oo lagu wada qanacsan yahay iyo in la sameeyo guddi farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah.

"Guddigaas wuxuu ka soo baaraandagi doona talooyin la xariira hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ay soo saareen madaxda.

Weli ma cadda xilliga guddigaas la magacaabayo iyo wakhtiga ay billaabayaan shaqadooda la xiriirta arrimaha doorashada oo xilligeedu uu soo dhowyahay.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in madaxda ay isku afgarteen in dib loogu noqdo maamul goboleedyada, si ay wadaatshi ay uga yeeshaan arrimaha doorashooyinka, isaguna uu ku laaban doonaa baarlamaankaa, "maadaama labada dhinac ay ku kala aragti duwan yihiin nooca doorasho ee uu dalka yeelanayo."

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay: "Waxay Dowladda Federaalka Soomaaliya wadaxaajoodka ku saabsan dhammeystirka hannaanka doorashooyinka iyo khayraad wadaagga la furtay Dowlad Goboleedyada, bilowgii muddo xileedkiisa (madaxweynaha), taas oo tilmaamaysa sida ay uga go'an tahay in wadatashi iyo midnimo loogu guuro hannaan doorshaada oo loo dhanyahay."

Balse Dr. Bursaliid wuxuu ku adkeystay in wixii xitaa shirka kasoo baxay aysan kala caddeyn. "Marka aad eegto Qoddobka 4aad iyo kan 5aad oo labaduba ay su'aalo ka imaan karaan oo ah 'doorasho wakhtigeeda ku dhacda oo lagu wada qanacsan yihiin,' ma nooca xukuumadda dhexe ay rabtaa oo qof iyo cod ah mise waa midda madaxda maamul goboleeduada ay rabaan oo ah doorasho farsameysan".

"Waxaa kale oo jirta talo waxa ay madaxda isla gaari waayeen, guddiga goyn kara xaguu joogaa", ayuu hadalka ku sii daray isagoo shaki gelinaya natiijada ka soo bixi karta guddiga farsamo ee la dhisayo.

Dhanka kale, Dr. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ka faallooda arrimaha gobolka, ayaa sheegay in wixii ka soo baxay Dhusamareeb ay ahayd "afgobaadsi, ayna sii socon doonta".

"Shirkii Dhusamareeb runtii rajo badan ayay dadka Soomaaliyeed ka qabeen, taas oo ah in lagu heshiiyo laba arrimood oo kala ah in doorasho qof iyo cod ay dalka ka dhacdo iyo in doorashada wakhtigeeda ay ku dhacda, balse labadaas midkoodna ma uusan soo bixin oo waxaa soo baxay in guddi loo saarayo arrimahaas", ayuu yiri Dr. Cabdiwahaab oo la hadlayay BBC Somali.

Waxaa kale oo uu sheegay in labada dhinac aysan waxba ku heshiin doonin, balse xaaladda ay kala caddaan doonta.

Sikastaba, qodobka lixaad ee warsaxaafadeedka ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb waxaa lagu yiri: "Madaxdu waxay isku raaceen in shirka labaad la isugu yimaaddo Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, muddo labo toddobaad gudahood ah si loo dhammeystiro geeddi socodka doorashooyinka dalka."

Qaar ka mid ah ururrada siyaasadda oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan qoddobka ah in lagu heshiiyay doorasho wakhtigeeda ku dhacda.

Xisbiga Wadajir ee uu hogaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri: "Xisbiga waxaa uu bogaadinayaa in lagu heshiiyay in doorashada ay xilligeeda ku dhacda, in la islana gartay in uusan jirin muddo kororsi, sida uu dhigayo dastuurka ku meel gaarka".

"Waxaan rajeeneynaa in guddiga farsamo ee ka soo tala bixinaya hannaanka doorashada uu latashiga ballaariyo, kana qeybgeliyo xisbiyada", ayaa lagu sheegay warka qoraal ah oo kasoo baxay xisbiga Wadajir.

Shirka waxaa ka qeybgalay qaar ka mid ah golaha wasiiradda ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo xildhibaanno

Shirka waxaa ka qeybgalay qaar ka mid ah golaha wasiiradda ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo xildhibaanno

Madaxadii ku shireysay Dhusamareeb ayay dad badan ka rajeynayeen "in ay isla meel dhigi doonaan arrimaha doorashooyinka", haseyeeshee qoddobadii ka soo baxay waxay u muuqdaan in aanan laga heshiinin waxyaabihii rasmiga ahaa, madaxduna aysan ku kala tegin, maadaama kullanka kale la isu ballansaday.

Soomaaliya waxay gashaa xaalado siyaasadeed oo kala guur ah, markasta oo lagu dhowaado dhamaadka muddo xileedka hey'adaha dowladda, waxaana la dareemaa "jahwareer la xiriira nooca doorasho ee la galayo."


 

Shirka Dhuusamareeb madaxdii ka qeybgashay

Qodobbadii ka soo baxay shirka

Waxaa shirku adkeeyay midnimada iyo wadajirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed

Shirku wuxuu isku raacay in lasii dardargeliyo wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee xasilinta dalka iyo la dagaallanka argagixisada.

Shirku wuxuu kale oo isla gartay in lasii xoojiyo arrimaha horumarinta dhaqaalaha iyo geeddi socodka dhammeystirka dayn-cafinta Soomaaliya.

Madaxdu waxay isla meel dhigeen inay dalka ka dhacdo doorasho ku qabsoonta wakhtigeeda oo lagu wada qanacsan yahay.

Madaxdu waxay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah; guddigaas oo ka soo baaraandagi doona talooyin la xariira hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka.

Madaxdu waxay isku raaceen in shirka labaad la isugu yimaaddo Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug muddo labo toddobaad gudahood ah si loo dhammeystiro geeddi socodka doorashooyinka dalka.

Shirku wuxuu uga mahadceliyay Dowladda iyo Shacabka Galmudug soodhaweynta diirran iyo martigelinta wanaagsan ee ay u sameeyeen Madaxda iyo wufuudda Soomaaliyeed ee kasoo qeyb galay shirka. Sidoo kale, shirku wuxuu bogaadinayaa dib u heshiisiinta ka hana qaadday Galmudug-ta cusub taasoo ay ka dhalatay in ay martigeliso shirkan wadatashiga ah ee looga tashanayo aayaha Soomaaliya. Taasi waxay ku timid hoggaaminta wanaagsan ee Madaxda iyo biseylka ay gaareen shacabkeeda si nabadda iyo horumarka salka loogu dhigo.

Ugu dambeyntii, shirku wuxuu u mahadceliyay Beesha Caalamka kaalinta muuqata ay ka geysanayaan dib u dhiska iyo horumarinta dowladnimada Soomaaliya.

ISHA: BBC

Category