Maraakiib uu Sucuudiga lee yahay oo lagu weerarray xeebaha Imaaraadka

Dubai (RH)-Dowladda Sucuudiga ayaa cambaareysay wax ay ku sheegtay cuyaamin lagu qaaday labo markab oo ka mid ah kuweeda Saliidda qaada oo marayay meel ka baxsan biyaha dalka Imaaraadka.

Wasiirka Tamarta ayaa sheegay in weerarradaas ay dhaawacyo dhaqaale ay ku yeelatay.

Dhinaca kale, Shirkad laga lee yahay dalka Sweden ayaa sheegtay in mid ka mid ah maraakiibteda uu dhaawac ku gaaray meel ka baxsan xeebta Imaaraadka Axaddii,halkaasoo howlo curyaamin ah lagula beegsaday maraakiib kale oo marayay.

Shirkaddu waxa ay sheegtay in walax aaney garaneynin ay daloolisay markab nooca shidaalka qaada oo ay lee dahay.

Sucuudiga ayaa mar sii horeysay sheegtay in labo ka mid ah maraakiibteeda saliida qaada in lagu weerarray xeebaha dalka Imaaradka, laakin Iiraan ayaa dalbatay in la baaro arrintaas isla markaana lagala cadeeyo waxa dhacay iyo cidda mas’uulka ka ah.

Xiisadda ka taagan gacanka cadan ayaa sii kordheysay iyadoo Maraykanka dhawaan uu halkaas u diray maraakiib dagaal oo dheeri ah kuwaasoo difaacaya danaha Maraykanka iyo saaxibbada uu ku lee yahay gobalkaas.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category