Markabkii Xoolaha ka Qaaday Somaliland Oo Xoolihii Lagaga Rogay Dekedda Jidda

Hargeysa(RH)Markabkii Xoolaha siday ee ka tagay dekedda Berbera ee maalmihii u dambeeyey  ku xayirnaa dekedda Jidda ee dalka Sucuudiga ayaa Xalay fiidkii si rasmi ah looga dejiyey xoolihii, kadib markii dhakhaatiirta Sucuudigu ay hubiyeen  caafimaadka iyo badqabka xoolaha Somaliland.

Sida uu xaqiijiyey Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jamhuuriyadda Somaliland Md. Jamaal Caydiid Ibraahim, waxaanu sheegay inuu ILAAHAY ugu mahad celinayo in markabkaas galabta laga dejiyey xoolihii uu siday ee ay lahaayeen ganacsatada Somaliland.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsigu wuxuu sheegay in tallaabada markabkaas xoolaha lagaga rogay  uu guul u yahay Jamhuuriyadda Somaliland.

Jamaal Caydiid Ibraahim wuxuu sheegay in markabkan oo siday xoolo dhan 20 kun oo neef, la dejiyey iyadoo maalmihii ay xooluhu ku xayirnaayeen dekedda Jidda ay ku le’deen xoolo ku dhow Shan Boqol oo Neef, kuwaasi oo ku jiray khanka hoose ee Markabkaasi.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsigu wuxuu  intaas ku daray in xoolaha Somaliland ay hadda kadib si toos ah u tagi doonaan Jidda, waxaanu caddeeyey in caawa laga rarayo marsadda Berbera xoolo tiradoodu ku dhow dahay Konton kun oo neef oo uu leeyahay Ganacsadaha Al-Jaabiri.

Jamaal Caydiid wuxuu sheegay in maxjarka Berbera uu noqday ka loogu kalsoonida badan yahay xoolaha Soomaalida ee loo dhoofiyo Sucuudiga.

 

Category