Mas'uul ka tirsanaa dowladda oo ku dhintay qarax Muqdisho ka dhacay

Muqdisho (RH)- Magaalada Muqdisho ayaa saaka waxaa qarax miino oo loogu xiray baabuurkiisa ku geeriyooda mas’uul ka tirsanaa dowladda gaar ahaan wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta.

Ninka dhintay oo magaciisa lagu sheegay Eng Fu’aad Saleebaan Jaamac ayaa ahaa madaxa shaqaalaha iyo torakoobka wasaaradda awqaafta iyo doonta Soomaaliya, waxaana la sheegay in baabuurkiisa lagu xiray miino dabadeedna uu ku dhintay xilli uu marayey meel u dhow taalada Daljirka Daahsoon ee bartamaha magaalada Muqdisho.

Gaariga ayaa xilligii uu qarxayey ayaa ku sii jeeday garoonka diyaaradaha Muqdisho si loo sagootiga labada qof ee qaraxa ku dhaawacmay kuwaasoo safar u ahaa magaalada Hargeysa.

Illaa hada ma jirto cid sheegatay qaraxa uu ku dhintay mas’uulkan, waxaana hey’addaha ammaanka ka gaabsadeen in ay xog ka bixiyaan qaraxa iyo nooca uu ahaa.

Dhinaca kale, qarax miino oo dhulka la galiyey ayaa maanta barqadii waxaa lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamada dowladda kaasoo marayey deeganka Weedow ee duleedka magaalada Muqdisho, inta la ogyahay hal qof oo shacab ah ayaa ku dhintay oo goobta ku sugnaa halka askari kale oo dowladda uu ku dhaawacmay.

Qaraxyadan ayaa noqonaya kuwii seddaxaad ee ka dhaca magaalada Muqdisho, muddo seddax toddobaad ah iyadoo labadii qarax ee horre ay ku soo beegmeen  maalmo Sabti.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category