Masuuliyiinta Ugu Sareysa Wasaaradda Beeraha Somaliland Oo Hortagay Golaha Guurtida

Hargeysa(RH):-Guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland ayaa maanta   kulan xogwareysi ah la yeeshay Masuuliyiinta wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, oo ay wehelinayeen agaasimo waaxeedyada wasaaraddaasi ayaa guddida joogtada ah ee golaha guurtida uga warbixiyay howlaha kala duwan ee sannadkan u qorshaysan.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, uu sannadkii 2019-kii balanqaaday in dalaga Beeraha ka soo baxa dawladdu ka iibsato beeraleyda, iyada oo wasiirku tilmaamay in sannadkan lacagtii dalagga lagu iibsanayay ay diyaar ka tahay dhankooda.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Axmed Muumin Seed, ayaa sheegay in ay rajaynayaan sannadkan in Beeraleydu ay Beeraan Khudaar badan, isaga oo xusay in Beeraleyda qaarkood ay Caqabad kala kulmaan Booyadaha Biyaha dhaamiya oo Ceelashii laga waraabin lahaa Beeraha ay Biyuhu ku filaan waayaan wax beerista, dhawaanna ay arrintaasi  la kaashan doonaan wasaaradda horumarinta Biyaha Somaliland.

 Wasiirka ayaa sheegay in sannadkan dalaga wax soo saarka Beeruhu uu aad uga sarayn doono kii sannadkii hore.

 

Category