Masuuliyiinta Wasaaradda Deegaanka Jsl Oo la Shirey Hay’adaha ay Wada Shaqeynta Leeyihiin

Hargeysa(RH)Masuuliyiinta Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga ayaa kulan la yeeshay Hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin ee ka hawl gala dalka.

 kulankan waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka kala socday wasaaradda deegaanka, wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta qaranka, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ah ee ka hawla gala dalka.

Kulankan oo ah mid labadii biloodba mar ay ku kulmaan wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland iyo hay’adaha la shaqeeya waxa kulankoodan faahfaahin ka bixiyey agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaaradda deegaanka Md. C/kariin Aadan Cumar, wuxuuna sheegay in ujeedada kulankani tahay sidii loo kala warqaadan lahaa isla markaana isku dhaafsan lahaayeen wixii xog ah ee ay hayaan, si loo xoojiyo xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin si loo ogaado mashaariicda deegaanka ee kala duwan ee dalka ka socota.

Agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo horumrinta reer miyiga Md. C/risaaq Jaamac Nuur (Naakhuude) oo isna kulankaas ka hadlay ayaa ka xog-waramay muhiimadda kulankaasi u leeyahay hawlaha iyo waajibaadka ay bulshada Somaliland u hayso wasaaradda deegaanku, isagoo intaas ku daray in muhiimad koowaad ay tahay sidii loo horumarin lahaa  deegaanada Somaliland, wuxuuna xusay inay taasi ku imanayso iyadoo cid waliba ka soo baxdo waajibaadka saaran ee laga rabo inay wax ka qabato.

 

Category