Maxaa kajira in cudur aan la aqoonin ka dilaacey goobihii shidaalka ee DDS

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar, ayaa beeniyay in shidaalka laga qodayo qeybo ka mid ah gobolka Qorraxeey ay ka dhasheen cudurro aan horey loo arag oo saameyn ku yeeshe shacabka halkaasi deggan.

Mustafe Cagjar oo haatan booqasho ku maraya qaar ka mid ah degmooyinka gobolkaasi ayaa sheegay in maamulkiisu uu diyaar u yahay in baaritaan lagu sameeyo cabashada shacabka ee deegaannada ee la xiriirta shidaal qodistu ay ka socoto.

Shacabka degmooyinka gobolkaasi ee shidaal qodista ay ka socoto ayaa dhowaanahan ka cabanayay cuduro aan horay loo arag oo ay u sababeynayaan shidaalka.

"Dhibaatooyinka shacabka ay sheegayeen muddo ayey soo taagnaayeen. Waxaa soo baxay cudurro aaggan lagu aqoonin."

"Daraasaadkii ugu horreeyay ee la sameeyay oo ay khuburro deegaanka u dhalatay wadeen waxyaabo fara badan oo wixii caadiga ahaa oo meelaha ka dhacayay ka duwan laguma arag."

"Waxa saxaafadda ku jira ee la sheegayo ee dadkana nolosha isbaddaleyso ay u aaneynayaan in uu shidaal yahay iyo waxa dadka cilmiga u leh ee dhakhaatiirta ay sheegayaan way kala duwan yihiin."

Arrintan ayaa ku soo aadeysaa xilli sannadkii hore, qaar ka mid ah warbaahinta caalamka ay tebiyeen in cudurro aanan la aqoon ay ka dillaaceen halkaas kuwaas oo lala xiriiriyay howlaha shidaalka.

Mustafe Cumar wuxuu sheegay in haddii ay soo ifbaxdo dhibaatadan caafimaad darro ay xukuumadda diyaar u tahay sidii looga hortaggi lahaa.

"Haddii ay soo baxdo in wax ka duwan waxa dadka ay sheegayaan oo ah inay dillaacaan cudurro aan aaggan lagu aqoonin; xukuumadda diyaar bey u tahay in ilaa heer caalami ay la kaashato sidii loo xallin lahaa," ayuu yiri Mustafe.

Wuxuu sheegay in la asnixiyay sharci dhigayo in dadka deegaanka ay boqolkiiba 50 ku leeyihiin wax soo saarka shidaalka Dowlad Deegaanka, inkasta oo hadda aysan weli bilaaban howlaha dhoofinta shidaalka.

"Wixii magdhaw ku saabsan; waxay xaq u leeyihiin dadka in dhibaatooyinka kaga soo kordhayo baaritaanada shidaalka ee aaggan in magdhaw ay helaan, sida in loo sameeyo waxyaabaha aasaasiga, ceelal iyo biyo, xarumo caafimaad iyo waddooyin inay ka faa'idaan oo loo dhiso, xaq bey u leeyihiin", ayuu yiri Madaxweynaha Dowlad Deegaanka.

Mustaf Muxumad Cumar ayaa tilmaamay inay ka shaqeynayaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka dhasha shidaal iyo soo saaristiisa.

"Labada dhinac buu ka kooban yahay; faa'idana wuu yeelanaya oo dhaqaale soo kordhay weeye, khaasaraha ugu horrreeya waa culeys bulsho, waxyaabo caafimaad la xiriira, nabaad guur iyo cilado kalena wuu la imaanaya. Sida ugu macquulsan ka xukuumad deegaan ahaan, waa in aan yareynaa khasaaraha".

Dhul dhan 350,000 oo km oo isku wareeg ah oo dalka Itoobiya ah ayaa shidaal laga baarayey, deegaanka Soomaalida ayaa noqday deegaanka laga helay keydka shidal ee ugu badan.

 

xigasho BBC

Category