Maxaa xabsi guri ''loo geliyay" guddoomiyaha Ururka OLF?

Guddoomiyaha Ururka OLF Dawid Ibsaa ayaa sheegay labadii isbuuc ee ugu dambeeyey iney dowladda xabsi guri gelisay isla-markaana ay ka xirtay taleefanka.

"Ciidamadu waxa ay yihiin marki aan weydiiyey waxay ii sheegeen iney amnigeyga u baqayaan oo ay ilaalinayaan ammaankiisa, hadalkooda ayaanna aaminay, balse markii dambe ayey xaaladdu isbeddeshay" ayuu yiri Dawit Ibsaa.

"Jimcihii shalay ahaana waxaa la ii sheegay inuu gurigeyga qofna uu geli karin qofna uu ka bixi karin, waxaana galabnimidi Jimcaha la iga jaray taleefankeygi gacanta ee aan aniga gaarka u lahaa. Xubnaha gurigiisa isku hareereeyey iney dowladda dhexe ka socdaanna waxaan ku ogaaday tuutaha federaal booliska ee ay xirnaayeen."

Dowladda dhexe ee dalkaasi Itoobiya hadalka ka soo yeeray guddoomiyaha ururka OLF kama aysan hadal balse wuxuu horay Ra;isal wasaaraha dalka Itoobiya uu sheegay dhibaatooyinka dalka Itoobiya ka dhacayo inuu ka dambeeyo ururka OLF garabkiisa ubeysan ee duurka ku jira.

Xafiiska Ra'isal wasaaraha dalka Itoobya oo ka hadlay war qoraal ah oo ay kaga hadlayeen dilka loo geystay fannaanki dalkaasi Itoobiya lagu dilay Hachaaluu Hundeesaa wuxuu sheegay iney ka dambeeyeen ururro siyaasadeed oo isugu jira kuwa hubeysan iyo kuwa aan hubeysneen oo nabadda qaatay.

Shirka Ururka ee qabsoomay guddoomiyaha oo ka maqan

Guddoomiyaha Ururka OLF Dawid Ibsaa oo BBC uga warramay shir uu isagu ka qayb gelin oo ay hoggaanka sare ee ururku yeesheen. Guddoomiye Dawit oo arrintaasi ka hadlayey wuxuu yiri: "Hoggaanka ururku iney laba u qaybsameen hadalhayn ka dhalatay ayaa jirtay, balse wararka sheegaya in aniga guddoomiyanimada la iga qaadayo la iguna beddelay Araarso Biqila, warkaasi waa been oo waxba kama jiraan."

Ninka la sheegay in guddoomiyaha Ururka OLF uu noqday, Araarso Biqila wuxuu xaqiijiyey shirka hoggaanka ururku ay ku yeesheen xafiiska ururku inuu ahaa mid sharci ah guddoomiye Dawit Ibsaa uu ogaa raallina uu ka ahaa.

Hase yeeshee, madaxa xafiiska ururka OLF Dr Gedaa Oljira wuxuu sheegay shirka ururka uu hogaaminayey Araarso Biqila inuu sharci ahayn ururkuna uu aqoonsaneen."

Colaadda u dhaxeysa dowladda Itoobiya iyo OLF ayaa sababtay in kumannaan qof oo Oromo ah ay dalka Itoobiya ka qaxaan.

OLF oo muddo ka badan 40 sana ku jirtay dagaal hubeysan ayaa dooneysay in gobolka Oromia ee ay degto qowmiyadda ugu tirada badan dalkaasi Itoobiya ee qowmiyadda Oromada uu ka tashado aayahiisa.

Waxayna ugu dambeynta bishi 8-dda Augsut, 2018-kii ay heshiis nabadeed ku kala saxeexdeen Itoobiya iyo OLF magaalada Asmara ee dalka Itoobiya.

OLF marki ay nabadda qadatay oo ay dowladda Itoobiya la heshiiyeen kaddib waxaa soo kala dhex gashay kala aragti duwanaasho sababtay iney jabahaddi hore haatanna ah OLF ay laba u qaybsano oo ay qayb ka mid ah ay hubkoodi dib u qaataan oo ay Itoobiya dagaal kaga soo horjeestaan iyaga oo fariisimo ka dhigtay galbeedka dalkaasi Itoobiya.

 

xigasho. BBC

Category