Maxaad ka xasuusataa lacagtii shilin Soomaaliga?

Waxaan xasuustaa marka aan subixii bareegga iskuulka ama quraanka kasoo noqonno, iyadoo nala siiyo kun shilin oo Soomaali ah, kadibna kunkaas shilin wuxuu noo goyn jirey biririf dhamaystiran haddaanba wax nooga soo harin.

Adeeg dhan oo wax walba leh ayaa waxaa goyn jirey lacag aan dhamayn nus dollar, ma xasuusto shilin ahaan intay ahayde, waxaanse xasuustaa in dhowr kun ay ahaan jirtey.

Sidoo kale waxaa lagu gadan jirey raashinka oo jabnaa xilligaas, wax walba oo qofku u baahdo shilin Soomaali ayaa lagu bixin jirey, waxbarasho, biil, kiro, dhisme iyo wax walba oo nolol maalmeedka la xiriira.

Sanooyin badan kadib, isbeddello waawayn ayaa dhacay, shilinkii aan anigu soo gaaray waxaa meesha ka baxay 50 shilin iyo 100 shilin, waxaa ku xigey 500 shilin, waxaa ku xigey oo isna qiimo beelay 1000kii shilin oo aanan xitaa arag muddo dhowr sano ah wax ku iibsi iska dhaafe, waxaana beddelay lacagaha danabaysan ee moobilada.

Ma dabar go'a shilin keliya Soomaaligu, laakiin dhammaan noloshii iyo maciishaddii ayaa isla beddeshay, shay walba qiimihiisi waxaa ku darsamay sadex ama afar jibaar, waxaa xaaladdaasi saamayn weyn ku yeelatay dadka aan awoodda dhaqaale lahayn ama ay aad u hoosayso.

Maanta xaalado badani ayaa isu biirsaday shacabka Soomaaliya siiba shacabka Puntland, abaaro, dhaqaale xumo, sicir barar, shaqo la'aan, nolol qaalli ah, intaas waxaa dheer iyada oo aan haysan cid la dareemaysa duruufahaas oo garan taagan.

Ma u malaynaysaa in dib loo heli doono lacagtii shilinka ahayd? 

W/Q:Nasro Abdirizak

Category