Maxay Itoobiya u sameysaneysaa ciimadamo badeed iyada oo aan xeeblaheyn?

Markii ay Eritrea xornimada qaadatay sanadkii 1993-kii, Itoobiya waxay noqotay dal aanan lahayn xeeb iyo bad toona, waxayna qaadday tallaabadii la filan karay oo ahayd in la kala diro ciidammadii badda.

Balse hadda dib ayay uga fiirsanaysaa go'aankaas, waxaana muuqata saansaan ah in ay raadinayso saldhig badeed oo laga doonayo dalalka dariska la ah.

Ra'isulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhawaan taleefishinka dalkaasi ka yiri "Waxaan dhisaynaa ciidammo xoog badan oo badeed, kuwaas oo ugu xoog badan Afrika".

Maxaa kalifay tallaabadan?

Wakaaladda wararka ee Fana ayaa Ra'isulwasaare Abiy kasoo xigatay in uu yiri in ciidammada ay la jaanqaadayaan waxyaabaha kasoo kordhay adduunka, islamarkaasna sameeyaan isbadalada loo baahanyahay.

"Waxaan ka cabsanaynaa in Jabuuti xitaa ay go'aan ku yeelan weyso waxa ka dhacaya gudaha dalkeeda, oo lagala wareego awoodda, tanina waa halis soo foodsaartay Itoobiya" ayuu yiri Roba.

Mar uu ka hadlay ciidammada badda ee la samaynayo, ayuu sheegay in ay difaaci doonaan 11-ka markab ee ganacsiga ah ee Itoobiya leedahay, kuwaas oo ka shaqeeya badda cas. Waxa uu sheegay in ay jiraan dano siyaasadeed oo is diidan.

Maraakiibtaan ayaa waxa ay baroorsinka dhigtaan Jabuuti, iyaga oo u kala goosha qaaradaha adduunka.

Itoobiya waxa ay sidoo kale leedahay mac-had lagu tabobar xirfadlayaasha badda, waxaana sanad kasta kasoo baxa 500 qof oo leh xirfado kala duwan, waxaana la qorsheynayaa in tiradaas la gaarsiiyo 1,000.

In ciidammo meel eber ah laga soo dhiso, gaar ahaan kuwa bad waa shaqo aad u culus, una baahan dhaqaale baddan.

Itoobiya waxa ay heshiisyo la saxiixatay Suudaan iyo waliba maamulka jamhuuriyada iskeed gooni isu taagga ugu dhawaaqday ee Somaliland, halkaas oo dekada Berbera ay Itoobiya ku leedahay 19% saamiga.

Dib uga fiirsashada Eritrea

Mr Abiy waxa uu sidoo kale ka shanqariyay in uu wadahadal la furayo dowladda Eritrea oo ay muddo dheer dagaashanaayeen, isaga oo sheegay in xitaa uu xiriir dhiig ka dhaxeeyo.

 

Hadalkiisa ayuu ka dhabeeyay kadib markii uu ogolaaday go'aankii guddiga dhexdhexaadinta labada dal, kaas oo ahaa in Itoobiya ay ka baxdo magaalada Badme.

Balse si kasta oo uu u hagaago xiriirka labada dal, ma muuqato saansaan ah in ay soo dhowdahay in Itoobiya ay dekada Casmara ugu ugu tiirsanaan karto sidii hore oo kale.

Diblumaasi hore oo Itoobiyaan ah Birhanesmeskel Abebe ayaa sheegay in Itoobiya ay xaq u leedahay in ay isticmaasho biyaha caalamiga ah, taasna ay keeneyso in ay yeelato meel u noqota saldhig ciidammada badda.

Waxa uu intaas ku daray in Jabuuti, Kenya ama Somaliland ay ka midyihiin meelaha suurtagalka ah ee saldhigaas laga samayn karo.

Mr Birhanemeskel ayaa yiri "Waa in dalalka geeska Afrika loo mideeyaa qaab dhaqaale, ciidammo badna mashruucaas ayuu qeyb ka yahay".

Mr Abiy ayaa isbadello badan keenay tan iyo markii uu xilka qaaday, abuuridda dib u heshiisiinta qowmiyadaha dago gudaha dalka.

Dowladdiisa waxa ay soo afjartay xaaladdii degdega ee ka jirta dalka.

Suurtagal ma tahay in la hirgaliyo qorshahan?

Timothy Walker oo ka tirsan mac-hadla ISS ayaa qaba in Itoobiya ay tobonaan sano ku qaadan karto in ay dhisato ciidammo badeed, balse wuxuu qirey in ay samayn karaan laamo yaryar oo xagga badda ah..

Waxa uu xusay in dalalka Afrika badankood aysan lahayn saldhigyo ciidan bad oo ku filan, kuwa lehna ay yihiin dalalka shisheeye ee xoogga baddan soo dul dhigay gobolk

Sidaas oo ay tahay, Itoobiya waxa ay u muuqataa in ay ka go'antahay in ay dhisato ciidamo badan.

 

source.BBC

 

 

Category