Maxay Soomaaliya ka filaysaa cayaarta galabta ay la cayaareyso Zimbabwe?

Harare (RH)-Wiilasha Mucjisada ah ee Soomaaliya oo ku haminaya in ay taariikh hor-leh sameeyaan.

Oraahdaan soo jiidashada leh waxaa lagu qoray Website-Ka xiriirka caalamiga ah ee kubadda cagta adduunka ee FIFA, waxeyn cadeen u tahay in ay Soomaaliya dib usoo laabatay oo markan aysan aheyn sidii hore.

Guushii geesiyada Xulkeenu ay ka gaareen dhigooda Zimbabwe waxey abuurtay taariikh cusub oo lagu rajo weynyahay in ay galabta dhasho mid kaloo kasii farxad badan oo diiwaankeenana ku cusub, taariikhda kubadda cagtana gali doonta.

Wiilasha Qarankeena oo kulankii lugta hore ee Isreebreebka koobka adduunka 1-0 afka ciida ugu daray dhigooda Zimbabwe ayaa galabta markale rajeynaya inay libin kala soo laabtaan garoonka National Stadium ee magaalada Harare ee caasimadda dalka Zimbabwe, taas oo noqon doonta mucjiso kale oo ay dhigaan xidigaha xulka Qaranka Soomaaliya oo laga soo kala xulay gudaha dalka iyo dibadiisaba.

Leyliyaha reer Ghana ee hogaaminaya xulka Qaranka Soomaaliya Bashir Hayford ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay kulanka ay galabta wajihi doonaan xulka Zimbabwe, wuxuuna sheegay inay si weyn u diyaar garoobeen, isla markaana ay sameyn doonaan wax walba oo ay ku guuleysan karaan.

Tababaraha xulka Zimbabwe Joey Antipas oo dhankiisa warbaahinta la hadlay ayaa wal wal ka muujiyay kulanka galabta dhici doona, wuxuuna tilmaamay in aan la sahlan karin bandhigga iyo xirfada cajiibka ah oo ay soo bandhigeen xulka Qaranka Soomaaliya, isagoo xulkiisa kula taliyey inay feejignaan dheeri ah muujiyaan si ay u aargutaan.

Madaxda ugu sareysa dalka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ayaa hiil iyo duco la garab taagan Xulka Qaranka, iyadoo ay xusid mudantahay in dhallinyaro badan oo iskood isku abaabulay ay kasoo ambo baxeen dalal badan oo ay ka mid yihiin Zambia, Mozambique iyo South Afrika si ay u garab istaagaan xulkeena Ocean Stars oo talaabo u jira inay usoo baxaan wareega xiga ee isreeb reebka koobka dunida ee sanadka 2022 lagu qaban doono dalka Qatar.

Hadii wiilasha xulkeenu ay guuleystaan oo ay taariikhda markii ugu horeysay u tallaabaan wareega labaad ee Isreebreebka koobka dunida, waxey ka mid noqon doonaan 14-ka xul ee kasoo gudba wareega koowaad, kuwaas oo ku biiri doona 26-ka xul ee ugu awooda badan Qaarada Afrika, waxeyna wadartu noqon doonto 40 xul, iyadoo kadibna loo sameyn doono isku aadka wareega xiga waxaana loo qeybin doono 10 groups.

W/Q: Xabiib Axmed Cali
 

Category