Maxkamadda gobalka Maroodi Jeex oo ganaaxday Wargeyska Foore

Hargeysa (RH)-Maxkamad ku taalla magaalada Hargeysa ayaa maanta oo Axad ah muddo hal sanno ah xayirtey Wargeyska Foore oo ka mid ah wargeysyada madaxa bannaan ee ka soo baxa magaaladaasi.

Sidoo kale, maxkamadda gobalka Maroodijeex ayaa maamulka Wargeyska Foore ku ganaaxday lacag gaaraysa saddex milyan oo SL Shilling.

Wargeyska ayaa lagu eedeeyay inuu baahiyay warar been abuur ah oo ku aadan dhismaha madaxtooyada Somaliland oo laga dhisayo galbeedka magaalada Hargeysa oo ay warar been abuur ah ka qoreen iyo in ay isku dirayeen shacabka iyo maamulka.

Daladda ay ku mideysan yihiin Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa cambaareysay ganaaxa wargeyska waxaana ay ku tilmaameen mid ka dhan xorriyada hadalka iyo sharciga saxaafadda Somaliland.

Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa sheegay xannibaada la saaray wargeyska inuu yahay mid lagu caburinayo saxaafadda madaxa bannaan isla markaana xukuumadda Somaliland uu doonayo in aan wax laga qorin.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category