Maxkamadda Gobolka Sanaag Oo Bulshada  Guryahooda Ugu Geysay Dacwad Ay U Safri Jireen 15OKM

Gar-adag(RH)Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Sanaag, Maxamed Axmed Cabdalle  oo socdaal shaqo ku tagay degmadda Gar-adag ayaa sheegay inay soo gabogabeeyeen shan dacwadood oo ay ku dhegaysteen magaaladaasi, isla markaana rajaynayaan inay kuwo kalena bilaabaan inta aanay ku noqon magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Sanaag waxaa uu sheegay in aanay jirin wax cabasho ah oo ka tirsan Garsoorka degmadda Gar-adag, hase ahaatee Siyaasadda Guddida Caddaaladdu ay ku wajahan tahay in bulshada loo dhaweeyo Garsoorka, maadaama oo Ceerigaabo iyo Gar-adag isku jiraan 150km.

Waxa kaloo   Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka   Sanaag   uu bulshada ku dhaqan degmada Ceel-afweyn ugu baaqay inay joojiyaan colaada oo dib u dhac u keenaysa wadajirkii ummadda isla markaana waxyeelo ku ah qaranimadda Somaliland. Waxaanu waxgaradka deegaanka Ceel-afweyn  ku booriyey inay kaalin ka qaataan sidii loo soo afjari lahaa dirirta iyo shaqaaqooyinka aan loo baahnayn ee ku soo noqnoqday Degmada Ceel-afweyn. Waxaanu tilmaamay in xukuumad, madax-dhaqameed iyo waxgaradba dedaal weyn la geliyey sidii  nabad looga dhex aslaaxin lahaa ardaayada walaalaha ee ku dhaqan Deegaanka Ceel-Afweyn.

 

Category