MUDAHARAAD BALAADHAN OO LA FILAYO IN UU ADISABABA KA DHACO BARI

RH: War hada naga soogaadhey magaalada Nazret ee wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in  la filayo in maallinimada  bari ah uu mudaharaad balaadhani ka dhicidoono magaalada Adis-ababa ee caasimada wadanka Itoobiya kaas oo la sheegay in lagu taageerayo raisal wasaaraha cusub ee Itoobiya mr. Abiy Ahmed.

Raisal wasaare Abiy Ahmed ayaa sida laga war hayo sameeyay mudadii saddexda bilood aheyd ee uu xilka hayey  isbadallo la taaban karo oo dhanka siyaasada ,dhaqaalaha iyo nabadgalyada la xidhiidha, taas oo keentay in uu kastabado taageerayaal badan oo isbadal doon ahaa, halka dhanka kalena ay siyaasadiisa ka horyimaadeen qoomiyada Tigreega oo dalka ka tallineysay 27 sanno ee u dambeeyay.

Mudaharaadadan ayaa imanaya xilli dalka laga qaadey xaalladii degdega ahayd ee mallatarigu talada gacanta ku hayeen lana fasaxay in ay dadku isu soo baxyo sameynkaraan iyaga oo riyigooda si nabadgalyo ah ku cabiraya.

dadka siyaasada indho indheeya ayaa sheegay in hadii madaharaadkan taageerada ahi uu bari dhaco ay suurto gal tahay in fagaare balaadhan laga caayo lagana cambaareeyo xukunkii dalka ka tallinjirey 27 kii  sanno ee ugu dambeeyay,

sidii ay dhawaan sameeyeen  koox la baxdey dulmidiid oo ka kooban dadka soomaalida ah ee ka soo horjeeda siyaasada Cabdi M Cumar ku hogaamiyo DDS ee Itoobiya.

Wixii arinkaas ka soo kordhana halkan ayaanu idinkula soo socodsiin doonaa.

Category