Muqdisho: Khilaafkii reer waqooyiga oo kordhay iyo Cabdi Xaashi oo soo saarey liisto gudi

Waxaa xoogeystay khilaafka ka taagan guddiga doorashooyinka dadban gaar ahaan xubnaha gobolada Waqooyi.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka ayaa horey uga soo horjeestay Guddiyada Doorashada heer Federaalka iyo kuwa maamulaya Doorashada Xildhibaanada ka imaanaya Somaliland, kuwaasi oo uu magacaabay Ra'iisul Wasaare Maxamed Rooble.

Khamiistii lasoo dhaafay Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka ayaa soo saaray Habraaca maamulka Doorashada Xildhibaannada labada Gole ee ka soo jeedda Gobolada Waqooyi (Somaliland).

Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa horay Madaxweyne Farmaajo ugu eedeeyay in uu doonaayo in uu afduubto doorashada xildhibaanada kasoo jeedda gobolada Waqooyi ee Soomaaliya.

 

mmjkk
Category