Muqdisho oo laga qabtay xuska maalinta HIV-AIDS

Muqdisho (RH)-Munaasabad lagu xusayo maalinta AIDS-ka Adduunka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeybgalay wasiiro, xildhibaanno, dhakhaatiir iyo qaar ka mid ah dadka la nool xanuunkaas.

Madaxa HIV/AIDS-ka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada dowladda Soomaaliya Dr. Sacdiyo Cabdisamad Cabdullaahi ayaa munaasabadda ku soo bandhigtay tirada dadka Soomaalida ee qaba xanuunka, waxaana ay sheegtay in ka badan 10kun oo ruux oo Soomaali ah ay la nool xanuunka #HIV/AIDS gudaha dalka taasoo ka dhigan 34.8%.

Dadka tobanka kun ka badan, ayey agaasimuhu sheegtay in 3,619 ka mid ah dadkaasi ayaa qaata daawada xanuunka.

Sannadkii 1986 ayaa Soomaaliya laga helay kiiskii ugu horreeyay xanuunka HIV/AIDS.

Sannad walba 1-da bisha December ayaa laga xusaa maalinta cudurka Aid-ka.

Magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya, sida Muqdisho, Hargeysa iyo Garowe waxaa lagu qabtay lagu qabtay xafladdo iyo kulamo looga hadlayo cudurka AIDS-ka iyo dhibaatadda uu dadka ku hayo.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category