Muqdisho oo markii ugu horraysay lagu qabtey Tartanka Feerka

Muqdisho (RH)- Magaalada Muqdisho ayaa shaley lagu soo gabagabeeyay tartan feerka ah, waana markii ugu horraysay ee tartan noocan oo kale lagu qabto Muqdisho muddo ka badan 30 sanno.

Guddoomiyaha Xiriirka Feerka Soomaaliya, Cabdillaahi Axmed Colow oo VOA u warramay ayaa sheegay in tartanka uu billowday 15-kii bishan November isla markaana ay ka qaybgaleen illaa sideed cayaartoy kuwaasoo ku cayaarayey magacyada shirkado gaar loo lee yahay oo ku yaalla Muqdisho.

Cayaartoydan ayaa ku tartamayey miisaanka fudud iyo miisaanka dhexe.

Sideeda cayaartoyd ayaa loo qeybiyay labo Group waxaana Group kasta ka soo baxay hal cayaartoy.

Miisaanka dhexe waxaa kaalinta koowaad galay cayaartoykii u cayaarayey Labo-Xamar halka miisaanka fudud uu ay ku guuleysatay Ummu Hospital.

Mar la waydiiyay guddoomiyaha xiriirka feerka Soomaaliya, Cabdillaahi Axmed Colow cayaatoyda ka qaybgalay tartanka, waxa uu sheegay in ay ku jiraan cayaartoy ka yimid waddanka Yemen kuwaasoo halkaas ku cayaari jiray oo ku noolaa waddanka Yemen oo hadda ka socda dagaallo ehli ah.

Guddoomiyaha mar la waydiiyay in cayaartoy cayaara cayaaraha feerka ay dalka ku sugan yihiin, waxa uu sheegay in tartankan oo yahay kii ugu horreeyay ee lagu qabto Muqdisho muddo sannado ah, isla markaana Soomaaliya ay cayaaraha dibadda uga qaybgalaan cayaartoy ku nool waddamada dibadda.

Dad weyne aad u fara badan ayaa ka soo qaybgalay labadii cisho ee tartanka uu socday, kuwaasoo kala yimid degmooyinka magaalada Muqdisho, waxaana badi ay u ahayd markii ugu horraysay oo ay arkaan tartan dhinaca feerka ah ama ay maqlaan.

Magaalada Muqdisho waxaa aad loo jecel yahay cayaaraha kubadda cagta iyo kuwa kubadda kolayga.

Xitaa ka hor dagaalladii sokeeye cayaaraha feerka waxa ay ahaayeen kuwa aad u yer haddiiba la qabto.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category