Muqdisho: Tartan loo qabtay dhallinyaro araga la'

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa lagu soo gabagabeeyay tartan loo qabtay dhallinyaro aragga naafo ka ah.

Tartanka oo lagu qabtay garoon ku yaalla degmada Howlwadaag, ayaa waxaa ka qeybgalay illaa lix koox kuwaasoo ay u cayaarayeen 30 cayaartoy oo dhammaan aragga naafo ka ah.

Tartankan waa markii ugu horreysay oo noociisa ah ee lagu qabto magaalada Muqdisho.

Dhallinyarada ayaa ku cayaaraya kubadd shanqarmeysa ama afka qalaad lagu yiraahdo Goal Bol, waxaana ay garoonka ku soo galayaan min 3 cayaartoyd koox kasta.

Tartanka ayaa intii uu socday waxaa toos looga baahinayay qaar ka mid ah telefishanada iyo Idaacadaha maxalliga ah ee ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana u daawasho tegi jiray daad aad u farabadan.

Cayaartoyda ka qeybgalaysa Qaar ka mid ah dhallinyarada ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay ka qeybgalaan tartamada noocan oo kale.

Cayaartoyda cayaaraha tartanka kubadda Gool Boolka ayaa sheegay in ay in muddo ah sugayeen in ay ka qeybgalaan tartamo noocan oo kale maadama ay horrey u heli jirin fursado noocan oo kale.

Masuuliyiinta ka qeybgalay cayaaraha

Dhallinyarada ka qeybgalaysa cayaaraha ayaa sheegay in aysan heesan qalabka lagu cayaaro tartamada noocan oo kale, waxaana uu ka codsaday wasaaradda cayaaraha iyo dhallinyarada in ay dhallinyarada araga naafada ka ah ay siiyaan qalab looga gaashanto inta la cayaarayo tartanka.

Waa arrin naadir ah in Soomaaliya lagu arko dhallinyaro araga naafo ka ah oo meel fagaare ah ku cayaaraya kubadda afka qalaad lagu yiraahdo Goal Bolka.

Masuuliyiinta ka qeybgalay

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category