Muqdisho: Weerar lagu qaaday xarrunta degmada Wartanabadda

Muqdisho (RH)-Qarax ayaa ka dhacay xarrunta degmada Warta-Nabadda ee magaalada Muqdisho.

Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah balse illaa hadda si rasmi ah looma oga inta uu gaarsiisan yahay.

Goob-jooge ayaa sheegay qaraxa in loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay wax yaabaha qarxa, kaasoo la dhigay meel u dhow degmada.

Xilliga qaraxa uu dhacayay ayaa degmada waxaa ka socday raashin qeybin loo fidinayay dadka danta yer maadama degmooyinka gobalka Banaadir uu ka socdo raashin qeybin loogu talagalay bisha Ramadaan.

Gaadidka gurmadka degdegga ayaa gaartay goobta qaraxa waxaana ay soo daabulayaa dadka wax noqday.

Sawirro laga soo qaaday xarrunta degmada ayaa muujinaya burbur xoog leh oo soo gaaray.

Illaa hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Warta-Nabadda iyo maamaulka Gobalka Banaadir, sidoo kale ma jirto cid sheegatay weerarkan.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category