Murtimaalka ugu caansan Soomaalida oo ku shirsan Jigjiga

Jigjiga (RH)- Magaalada Jigjiga, waxaa maanta oo Sabti ah ka furmay shir ay lee yihiin murtimaalka ugu caansan Soomaalida, waxaana kulankooda ay ku lafagurayaan kobcinta Af-Soomaaliga.

Kulankan ayaa loogu magacdaray bandhig fanneedka caalamiga ah ee Sayid Maxamed Cabdullaahi Xasan.

Dadka caanka ah ee ka soo qaybgalay waxaa ka mid ah qoraa Axmed Faarax Idaajaa oo deggan Nairobi, waxa uu caan ku yahay suugaanka Soomaalida.

Bandhigga, sidoo kale waxaa ka qaybgalaya dad aad u fara badan oo kala kala yimid meelo kala duwan kuwaasoo isugu jira qorayaal, abwaanno, halabuurayaal, siyaasiyiin iyo dhallinyaro ka timid magaalooyinka Soomaalida Itoobiya.

Bandhiggan, ayaa la sheegay in ay soo qaban qaabisay xukuumadda dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya.

Dadka magaalada ayaa soo dhaweeyay in la qabto bandhig fanneed lagu soo bandhigayo taarikhdii uu lahaa Sayid Maxamed Cabdullaahi Xasan.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category