Muxuu ka hadlayaa Filimka 'Xaaskii xabaal qodaha' ee Soomaalida Jishay?

Waxaa dhawaan dalka Canada lagu soo bandhigay filin ay jileen dhalinyaro Soomaali ah kaas oo laga dawaaday qeybo kala duwan oo dunida ah, waxaana halkaas lagu guddoonsiiyay abaalmarin.

Filimkan oo loogu magac daray 'xaaskii xabaal qodaha' ayaa lagu jilay luqadda Soomaaliga isla markaana looga hadlayo qoys Soomaaliyeed oo danyar ah iyo marxaladaha kala duwan ay nolosha kusoo mareen iyadoo uu jeceyl dhexyaallo.

"Filimka waa xaaska xabaal qodaha,waa qiso uu qoray nin aan walaalo nahay oo Khadar Ceydaruus Axmed la yiraahdo, waa qiso Soomaaliyeed oo Soomaali lagu hadlayo waa filin qof kasta uu daawan karo waana sababta keeneysa in adduun weynaha uu wareego," ayuu yiri, Cumar Cabdi oo kamid ah jilaayaasha filinka.

xsder

Wuxuu ka shekeynayaa qoys Soomaaliyeed oo sabool ah oo ay la soo deristay dhibaato dhanka nolosha ah oo u adkeystay sidii uu uga gudbi lahaa caqabaddaas inkasta oo aysan heysan dhaqaale ay ku maareeyaan arrintaas.

Waa filim taabanayo jaceylka xiddideystay ee ka dhex jira qoyska saboolka ah iyo sida uga go'antahay badbaadinta hooyada la daalaa dhaceysay xaaladda caafimaad darro.

"Waa qisada hooyo, aabe iyo canug yar oo ay dhaleen, qisada ay xambaarsan tahay waxay ina tusineysaa jaceylka in meel walbo uu dhex yaallo, nolosha farxadda ah in cid kasta ay yeelan karto laakiin lagu kala duwan yahay marka xaaladaha qaar yimaadaan. "

Filimka ayaa diiradda saaraya sheekada nin xabaal qode ah oo sabool ahaa iyo sida uu dadaal ugu galay badbaadinta xaaskiisa oo kiliyaha ka xanuunsatay, inkasta uu la daalaa dhacayay maareynta qoyskiisa haddana wuxuu raadiyay dhaqaale uu ku baadigoobayo in xaaskiisa caafimaad hesho.

Ka sokow noloshaas adag waxaa weli sii xoogeystay jeceylka dhexyaallo lamaanahan.

"Sheekada waxay na tusineysaa inta uu gaarsiisan yahay jaceylka dhex yaalla labada qof, waxay isu sameyn karaan, sida badbaadu ay ku xiran tahay , sida qofkan uu qofka kale u badbaadin karo" ayuu yiri Cumar Cabdi.

Filimkan waxaa laga soo dhex xushay kumanaan aflaam ah, wuxuuna kamid ahaa filimadii lagu abaal mariyay Canada.

"Filimkayagan laguma dooran filim Soomaali ahaan , waxaa lagu doortay tayada filimka gaar ahaan asalnimadiisa iyo qisadiisa, marka in aan kamid noqono bulshada inta ay tartanto ku guuleysata, 5000 filim laga soo dhex xula"

Cumar Cabdi wuxuu sheegay in filimka uu soo bandhigayo muuqaalka dhabta ah ee dadka Soomaalida si aanan loo soo gudbin wararka la xiriira dhibaatooyinka ka dhaca dhulka Soomaalida.

"Anagu waxaan dareensanahay Soomaalinimo in anagoo Soomaali aan heerkaa gaarno, wixii looga bartay ay caalamka kasoo daaynayeen ama mar haku tilmaamaan burcad badeed...in dadkayagu aan tusno in dhaqan, dal iyo dad wanaagsan aanu leenahay"

bbbvggt

xigasho BBC

Category