Muxuu yahay sharciga uu iska celiyeen Maxmed iyo qoyskiisa?

Maxamed Cabdi kaahin oo muddo toddobo sano ah ku noolaa dalka Denmark, oo ku yaalla qaaradda Yurub, wuxuu hadda go'aansaday inuu isaga soo guuro dalkaas oo isaga iyo qoyskiisa ay dib ugu noqdaan Hargeysa.

Wuxuu sheegay in go'aankan uu ku qaatay laba sannadood ka hor. Ka dibna uu aaday dalka si uu qiimeyn ugu soo sameeyo. Isaga ayaa Carruurtiisa u soo dacwooday ka dib markjii uu tagay dalka Denmark, waxayna halkaas ku noolaayeen muddo shan sano ah.

Maxamed wuxuu dib ula soo noqonayaa qoyskiisa oo ka kooban lix carruur ah iyo xaaskiisa. Waxa uu sheegay inuu go'aanka gaaray ka dib markii uu xaqiiqsaday in dalka Denmark uu yahay dal aan "laga rabin Muslimiinta" in kastoo dad badan oo Muslimiin ah ay ku nool yihiin.

"Waxaa nagu khasbay, in waddankan sharicigiisa aan fahamnay, waxaanu dareenay dadka waddankan deggan in ay ka soo horjeedaan dadka ajinabiga ah, gaar ahaan Muslimiinta, sidaas darteed maaddaama uu dalkeena nabad yahay waxaan go'aan ku gaarnay in aan Hargeysa u guurno."

Maxamed oo BBC-da wareysi siiyay wuxuu sheegay in sharciga uu celiyay uu yahay mid deganaanshaha rasmi ah balse uusan ahayn dhalasho.

Qoyska iyo maxamed ma aysan haysanin dhalashada ama baasaboorka dalka Denmark, balse waxay haysteen degganaansho ay dowladda dalkaas siisay si ay ugu noolaadaan halkaas.

"Dhalashada ma haysano laakiin kan degganaanshaha rasmiga ah baanu haysanaa", ayuu ku yiri wareysi uu siiyay BBC Somali.

"Baasaboorkooda muddada lagu qaadanayo hadaanu gaarno, waanu qaadan karnaa, oo shuruudaha waanu buuxin karnaa, balse baasaboorkooda wax faa'iido ah nooma sameynayo", ayuu yiri.

"Xitaa haddii ay hadda nagu yiraahdaan waanu idiin siineynaa, muhiimad nooguma fadhido, sababtoo ah waddankii waxaa ajaaniibta si toos ah loogu sheegaa inaan la rabin", ayuu ku sheegay sababta uusan Denmark u doonaynin.

Maxamed ayaa sheegay in sababta uu isugu deyi waayay in Yurubta kale uu aado in ay tahay "in reerkiisa keligood uu kaga tagi waayay" Denmark.

"Haddii aan halkan keligood kaga tago way dayacmayaan. Waddan kale haddaa tagtid waa nolol cusub, carruur badanna waan leeyahay."

"Waddan kale oo Yurub ah haddii aad la tagtid, dhibaato aad u badan ayaad la kulmeysaa, gaar ahaan marka aadan muwaadin ahayn. Waxaan ka eegay dhanka ah in aanan reerka ka tagin oo aynaan kala dhantaalmin", ayuu u sheegay BBC.

Maxamed ayaa xaqiijiyay in aysan jirin caqabad gaar ah oo isaga ama qoyskiisa ka soo wajahday dalkaas oo ku khasbeysa in ay Denmark ka guuraan.

"Ma jirto caqabad gaar ah oo qoyskeyga haysata balse waxaa jira qoysas badan oo dhibaato ku haysata dalkan, marka inaga ma ahan in aan sugno in dhibaatooyinkaas ay nagu dhacaan."

Hase yeeshee waxa uu sheegay haddii ay gaaraan waqtiga dhalashada lagu qaadanayay uu heli karo oo uu xaq u leeyahay.

Ka hor inta aysan BBC-da wareysan Maxamed ayaa waxa uu qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka oo uu ku xaqiijiyay inuu gebi ahaanba iska celiyay sharcigii uu dalka ku joogay, qormadiisa ayaana sidaan u dhignayd:

"Bismillaah: Waxa aannu go'aan rasmi ah ku qaadannay aniga iyo reerkaygu in aanu ka soo guuro Denmark oo aanu degganayn, una soo guurro dhulkii hooyo ee Alle naga beeray."

"Sidoo kale waxaanu go'aan ku qaadannay gabi ahaan sharciyadii aanu haysannay ee waddankan Denmark in aan u celinno oo joojino - waa go'aan adag laakiin waa go'aan sax ah oo aanu u aragno in uu yahay mid khayr badan noo leh qoys ahaan. Waxa la joogaa xilligii aynu aamini lahayn oo ku noolaan lahayn dhulkeenna - Alle ha inoo barakeeyo." -Maxamed Cabdi, odayga qoyska, ayuu ku sheegay farriin uu baraha bulshada ku faafiyay.
42 Daqiiqadood ka hor

Xiggasho: BBC

Category