NAXDIN AYEY U AHEYD MAALINTII U HOREYSAY 2.G. MOHAMED MUU OGEYN IN ISKUULKA LAGA TUUREY.

RH: ESBJERG: Mohamed Ahmed Musse Dirie ardeydii ayuu Sagootiyayey maallintii udambeysay imtixaankoodii fasalka 1aad ee dugsiga sare isaga oo kuleh

Waa inoo 2.Giyo sannadka dambe

 17 jirkan  Soomaaliyeed  waxa uu uhaystay in uu sida saaxiibadiisa kale 14.Ogost.19  bilaabidoono 2.G (fasalka labaad ee dugsiga sare), macallimiintiisa laftoodu wax dareen ah may gallin , fasaxii samarka ayuu Mohamed galley isagoo ku talo galay in uu fasaxa kadib kalaaska 2.G ee Esberg Gymnasium uu bilaabidoono.  

Maallin kahor xilligii uu iskuulku furmilahaa oo kubeegneyd 13. august.19  ayey Mohamed hooyadii warqad ay kanaxdey ka heshay

e-boks ( boostada Elektrooniga ah) Warqadu waxa ay katimid  lataliyaha waxbarashada ee dhallinyarada ( Ungdommens Uddannelsesvejledning)  waxaanu ku waydiinayaa

” Mohamed waamaxey qorshahaaga mustaqbalku  maadaama oo aad ka hadhey dugsigii sare ”

”Waan argagaxey, Majirin cid ii sheegtay iyo wax dareen ah oo igu jiray in iskuulkii la iga tuurey, Hadaan ogaan lahaa qorshe kale iyo meel aan wax ka bilaabo ayaan diyaarsan lahaa ayuu ku tiraabey Maxamed Ahmed Musse Dirie”

Maxaa Mohamed looga tuurey Iskuulka:

Bartahiisii fasaxa xagaaga ayaa uu iskuulku fariin ugu direy E-boks  Mohamed iyo hooyadii taas oo uu ugu sheegayeen in aanu maxamed sii wadankarin dugsiga sare natiijadii imitixaankii lagaqaadey oo aad u hooseysa darteed.

Hooyadii oo kali ku ah saddex wiil waxey ku noqotey wax ay qaadan waydey, Waxaana  ay usheegtay wargeysa JV Maxaa fariinta noocan ah uu Esberg Gymnasium ugu soo diray E- boks ee uu iisoo wici waayey xilli hore, sow aniga iyo lataliya waxbarashadu kama wada hadalneen fasaxa kahor oo xal maanu helneen iyadoon cidi na ogaanin.

Waxay ku tiraabtay iyada oo ucadheysay Iskuulka

”Mallihi maxay u baasin waayeen laakiin waxaan leeyahay maxay mudo hore oo fasaxa ka horeysay iisoo wargallin waayeen markey arkeen in uu qarka usaaran yahay in iskuulka laga tuuro, Mida kale  waa inaanu Iskuulku  waalidka warqad e.boks ugu dirin balse uu  u yeedhaa oo uu afka uga sheegaa marka uu arinku sidaas u culusyahay ayay tidhi Hodan Abdirahman Farah oo ah Mohamed hooyadii”

Sofaha ayuu ku jiifaa

Markii uu Maxamed yaqiinsadey in Gymnasium kii laga tuurey waa uu ordey  oo waxa uu tagey dhamaan goobihii kale ee waxbarashada sida EUX, HF, HTX si u helo firsad iyo meel uu wax ka bilaabo , xitaa dugsigii farsamada gacanta ayuu raajiciyey si uu waxbarasho makaaninimo uga helo laakiin nasiibdaro dhamaan goobihii waxbarashadu way ka horbilaabmeen meel uu ka cidhiidhsandaana wuu waayey.

Hada hooyadii waxa ay aad uga xuntahay ugana murugeysantahay waxa dhacay ,

”Bal eeg hada waxa uu ku jiifaa Sofaha hadaan goor hore ogaanlahaa sow lama dadaaleen si aan waxbarshadiisa kor ugu soo qaado ayey tidhi markale”.

Maamulaha Esbjerg Gymnasiums ayaa diidey eedaynta qoyska waxaanu ku adkeystay in uu warqadaas wargallinta ah uu qoyska  e-boks ugu direy

 

Xogta warka . jv.dk

Tarjumaada iyo isku dubaridka

Mohamed-amin Siyad Abdi

Category