Nimcaan-Hilaac oo loo magacaabay Agaasimaha Wax soo-saarka iyo Howlgelinta Hobollada Waaberi.

Muqdisho(RH)-Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa waxa uu ku magacaabay agaasimaha wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada Waaberi, waxaana uu u magacaabay Nimcaan Cabdiraxmaan Xasan, oo loo yaqaanano Nimcaan Hillaac.

Sidoo kale, wasiirka warfaafinta ayaa isla warqadda ka soo baxday xafiiskiisa xilkii Agaasimenimo uga qaaday Agaasimihii horre ee wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada Waaberi, Maxamed Xasan Barroow.

Barrow ayaa isna loo magacaabay inuu noqdo la taliyaha wasaaradda warfafainta dhaqanka iyo dalxiiska ee arrimaha horumarinta Fanka iyo isku xirka Kooxaha heer Qaran.

Nimcaan Hilaac oo ah fannaan caan ah ayaa waayihii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho, waxaana dhowr jeer lagu arkay xaflado ay ka qaybgalayaan madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category