Nin Soomaali ah oo u tartamaya baarlamaanka Midowga Yurub

Sweden (RH)- Cabdullaahi Xasan Cabdulle oo loo yaqaanno Cabdullaahi Dhaqane ayaa u tartamaya baarlamaanka Midowga Yurub.

Dhaqane oo heesta dhalashada dalka Sweden ayaa ka tirsan xisbiga Social Dimuquraadiga, waxaana uu tartan ka soo baxay sideed gobal oo ku yaalla dalkaas.

Xisbiga Social Dimuquraadiga waa xisbiga ugu weyn dalka Sweden waana ka talada haya

Cabdullaahi Dhaqane ayaa siyaasadda dalka Sweden galay sannadkii 1996-dii.

Waxa soo badanaya Soomaalida xilalka ka qabanaya waddamada Yurub iyo Maraykanka iyadoo hadda ay jiraan Soomaali xilal sare ka haya Maraykanka, Canada iyo Yurub.


Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category