ONLF oo ku dhawaaqday xabbad joojin ay la gasho dowladda Itoobiya

Nairobi (RH)-Ururka ONLF ayaa maanta oo Axad ah ku dhawaaqday xabbad-joojin ay la galayaan dowladda federaalka Iroobita,sida lagu sheegay shir jaraa’id oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarrunta waddnaka Kenya.

Afhayeenka ONLF Cabdiqaadir Xasan Hirmooge (Caddaani) oo BBC u warramayey ayaa sheegay in ururkooda ay xabbad joojin hal dhinac ah ay ku dhawaaqeen.

“Waxaan u aragnaa in xabbad joojintu ay dadkeenna maslaxad u tahay”, sidaa waxaa yiri C/qaadir Xasan Hirmooge (Caddaani), afhayeenka ONLF, oo BBC u warramayey isagoo jooga Nairobi.

Qoraal ay soo saareen ayey ku sheegeen in xabbad joojinta oo dhaqan galaysa 12ka duhurnimo ee 12ka Agoosto ay salka ku hayso “baaqa nabadeed ee hogaamiyaha Itoobiya Abiy Axmed, iyo talaabooyinka ay xukuumaddu qaadday ee ay aasaaska ugu dhigayso wadahadallo nabadeed”.

“Waxaan u aragnaa in xabbad joojintu ay dadkeenna maslaxad u tahay”, sidaa waxaa yiri C/qaadir Xasan Hirmooge (Caddaani), afhayeenka ONLF, oo BBC u warramayey isagoo jooga Nairobi.

“Waxaan diyaar u nahay in maadaama dadkayagu ay muddo dheer dulmi tirsanayaan, in miis dushii lagu xalliyo dhibaatooyinka aan tirsanayno oo aaya ka talin ka mid tahay oo nabad gelyo ka mid tahay, oo xuquuqo badan oo kale ka mid yihiin” ayuu sii raaciyey Caddaani.

Wuxuu sheegay in arrinta xabbad joojinta halka dhinac ah ay isla soo qaadeen dawladda Itoobiya.

ONLF ayaa muddo tobanaan sanno ah la dagaallaameysa dawladda Itoobiya.

Itoobiya weli wax jawaab ah kama aysan bixinin baaqa ONLF ee ku saabsan xabbad joojinta.

Tallaabada ONLF ay qaaday ayaa ku soo beegmeysa iyadoo isbeddelo uu ka socdo dalka Itoobiya, waxaa dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya ka socda qalalaaso taasoo hor keentay in uu is casili madaxweynihii horre Cabdi Maxamuud Cumar oo hadda ku sugan Addis Ababa.

Shirar looga hadlayo aayaha DDSI ayaa hadda ka socda magaalada Addis Ababa ee xarrunta dalka Itoobita.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category