Oslo Norwey: Soomaali iska soo tuurey dhismo dheer korkiisa

RH: Sida uu qorey  www.vartoslo.no waxaa la soo wacey booliiska 10:49 goobtu waxey aheyd suuq dusha ka dadan oo laga dukaameysto , waxaana goobjoog ahaa oo dhacdadan arkayey dad badan, ninkan isa soo tuurey oo lagu sheegay in uu ahaa soomaali.

Waxaa mar qudha lagu war helay qofka soo dhacey , taas oo naxdin iyo argagax ku riday dadkii goobta joogey oo kala orod iyo qeylo isla oogsadey ayuu yidhi qof meesha ka ag dhawaa markii waxani dhaceen.

Booliiska ayaa xaqiijiyey in aaney jirin cid kale oo ku lugleh dhacdadan waxaaney ku sheegeen in uu isagu kaligii isa soo tuurey si uu isu dilo.

hadii aad wax tafaasiil ah ka hayso dhacdadan qeybta faalada noogu reeb.

Category