Puntland oo imtixaan gaar ah ka qaadeysa in ka badan 15kun oo arday

Garowe (RH)-Guud ahaan deegannada Puntland, waxaa maanta oo Sabti ah ka billamay imtixaanka shahaadiga ee fasalka afaraad ee dugsiga sare iyo fasalka sideedaad ee dugsiga dhexe.

Xafiiska Imtixaanaadka guud ee Puntland ayaa sheegtay in imtixaanka ay u fadhiisteen in ka badan 15kun oo arday.

Xafiiskan ayaa hey’addaha kala duwan ee Puntland ee kormeeraya imtixaanka in ay ka qayb qaataan habsami u socodka imtixaanka.

Wasiirka waxbarashada Puntland Cabdullaahi Xasan Maxamed ayaa sheegay intixaanka shahaadiga ay u fadhiisteen 1892 arday oo isugu jira 5005 arday oo ka socota fasalka afaraad ee dugsiga sare iyo 10,887 arday oo ah dugsiga sideedaad ee dugsiga dhexe.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo si rasmi ah imtixaanka u daahfuray ayaa kula dardaarmay ardayda imtixaanka galeysa in ay dadaal la yimaadaan isla markaana uu noqdo imtixaanka guuleysta.

Madaxweynaha Puntland ayaa u sheegay ardayda ka qaybgaleysa imtixaanka in ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara fashilkii ku yimid imtixaanka shahaadiga ee dowladda dhexe qaadeysa.

Imtixaanka ayaa saacad rasmi ah si wadajir ah uga billowday 106 goobood oo ay ku jiraan meelo fogfog oo bariga ay ka mid tahay halkaasoo lagu gaarsiiyay doonyo.

Illaa kun qof ayaa loo asteeyay imtixaanka in ay la socdaan kuwaasoo la geeyay goobaha imtixaanka uu ka dhacayo.

Ardayda maanta imtixaanka u fadhiisaneysay ayaa bilihii ugu dambeeyay u diyaargaroobayay imtixaanka u billowdeen.

Puntland ayaa dhawaan gaashanka u daruurtay imtixaan mideysan oo wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ay qaadeysay balse Puntland ayaa sheegtay in aysan isku khibrad ahayn.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category