Puntland Oo Sheegatay In Ay Maxaabiis Ka Siideysay Saldhigyo Ku Yaala Laascaanood Iyo Somaliland Oo Beenisay

Hargeysa(RH)Guddoomiyaha cusub ee ay dhawaan gobolka Sool ay u soo magacaabeen maamul goboleedka Puntland ayaa heegay in ciidamo ka tirsan Puntland ay xalay weerar ku qaaadeen labo saldhig oo ku yaalla magaalada laascaanood.

Abuubakar Cabdi Geele waxa uu  hoosta ka xariiqay in labada Saldhig ka siidaayeen maxaabiis u xidhneyd  Somaliland kuwaasi oo ay saldhigga kala wareegeen.

Mar uu arrintaasi ka hadlayay yidhi “qaar ka mid ah ciidamada Puntland ayaa xalay waxay howlgallo ka fuliyeen magaalada Laascaanood, ciidamada Puntland waxay weerareen oo ay qabteen labo saldhig oo ku yaalla magaalada Laascaanood, iyaga oo ka sii daayey maxaabiistii oo dhan waxayna ahaayeen dad xaqdarro  ku xidhnaa”.

Taliyaha qeybta  booliska gobolka Sool ee Somaliland G/dhex Khalif Maxamed Xirsi oo isna goor dhawyed la hadlay warbaahinta gobolkaasi waxa uu ka hadlay weerarkaasi lagu qaaday saldhigyada magaalada Laascaanood waxaanu sheegay in ay wararkaasi badankoodu yihiin been abuur iyo borobagaando. Taliyihu waxa uu sheegay in aanay jirin ciidamo Puntland oo soo weeraray saldhiyo ee ay ahaayeen dad budhcad ah oo ka ganacsada drugs’ka waxa uu intaasi ku daray in aanay jirin wax dhibaato ah oo hadda jirta.

 

Category