Qaabkee ayuu u dhacay shilkii Diyaaradeed ee garoonka Aadan Cadde?

Diyaarad nooca xamuulka qaada ah ayaa maanta ku burburtay garoonka diyaaradaha ee Adan Cade ee magaalada Muqdisho.

Diyaaradda oo ay leedahay shirkadda Sky ward ee dalka Kenya ayaa ku burburtay dhabaha ay diyaaraduhu ka haadaan ee garoonka Aadan Cadde.

Maariyaha garoonka Adan Cade Cabdi Ashkir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in diyaraadda ay xamuul u sidday ciidamada nabad ilaalinta ee Amisom islamarkana daqiiqado ka dib markii ay sii maqnayd ay dib ugu soo laabatay garoonka.

"Diyaaradda ayaa aroortii hore u duushay Baledwayne, waxay qaaday xamuul ay leeyihiin ciidamada Amisom, markii ay diyaaradu maqnayd 15 daqiiqo ayaa waxay codsatay soo noqosho, iyada oo sheegtay cillad farsmo," ayuu yiri Mr Ashkir.

Maariyaha ayaa intaa ku daray in diyaaradda markii ay soo caga dhigatay ay dhabaha ka baxday sidaasi na ay shil ku gashay.

"Diyaaraddii way soo noqotay dhabaha ayay ka baxday, waxay u sabiibaxatay dhanka midigta ee badda, muddo markay socotayna waxay ku dhacday gidaar dhinaca badda ku xirnaa ayay afka hore uga dhacday," ayuu intaa ku daray Mr Ashkir.

Diyaaradda ayaa waxaa saarnaa 4 qof oo shaqaala ah islamarkana waxaa dhaawacyo soo gaareen labo ka mid ah shaqaalahaasi.

Shilkaasi ka dib ayaa waxa hakad la galiyay dhammaan duulimaadyadii ku soo wajahnaa garoonka Adan Cade ee magaalada Muqdihso.

 

xigasho. BBC

Category