Qalalaasaha Libya: "Ciidanka Soomaaliya ma ahan calooshood u shaqeystayaal Libya u socda"

Waxaa dhowaanahan la isla dhexmarayay in Soomaaliya ay ciidamo u direyso dalka Libya si ay u "caawiyaan" kuwa Turkiga.

Xaaladda Libya ayaa sii xumaaneysa iyadoo dowladdo awood leh ay ku dul loolamayaan - waxaana ugu dambeeya Turkiga iyo Masar.

Turkiga wuxuu taageereyaa maamulka Qaramada Midoobey ay aqoonsan tahay ee ku sugan caasimadda Tripoli, halka Masar iyo dowlado kale ay taageerayaan Janaraalka laga adkaaday ee Khalifa Xaftar.

Baarlamaanka Masar ayaa sidoo kale, shalay isku raacay in militariga dalkooda ay gudaha u gali karaan Libya, iyagoo taageeraya qabiillada deggan xuduudda dhanka Libya.

Dowlado ay ka mid tahay Aljeeriya ayaa ka digaya dhibaatada ka dhalan karto in hub la siiyo qabiillo iska soo horjeeda - taas oo uu sheegay in ay abuuri karto "Soomaaliya cusub".

Hadaba, waxaa jiray bogag internet ah oo lagu qoray in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ciidamo u direyso Libya "kuwaas oo gacan ka geysanaya xasilinta dalkaas".

Wasiirka Arrimaha diabdda ee Soomaaliya, Axmed Ciisa Cawad

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Axmed Ciisa Cawad, ayaa beeniyay in arrintaas ay jirto wuxuuna yiri: "ma jiraan ciidan aan u direyno Libya".

"Ciidamada Soomaaliya ma ahan calooshood u shaqeystayaal, sida ciidamada kale ee la sheeg-sheegayay. Marka anaga ma haysano calooshood u shaqeystaal", ayuu yiri wasiirka.

Wuxuu intaa ku daray: "Wararka meelaha lagu qorayo ee dacaayadaha ah waxba kama jiraan".

isha warkan .BBC

Category