Qarax ka dhacay Muqdisho iyo ninkii watay oo la qabtay

Muqdisho (RH)-Booliska Soomaaliya, ayaa maanta sheegay in ay qabteen nin xirnaa wax yaabaha qarxa oo rabay in uu isku qarxiyo maqaayad ku taalla meel ku dhow saldhigga booliska ee degmada Xamarweyne.

Afhayeenka booliska, Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ninkaas lagu guuleystay in la qabto uuna hadda xiran yahay kadib markii uu tuuray jaakadii wax yaabaha qarxa ay ku xirnaayeen.

Sidoo kale, waxa uu sheegay jaakada oo dhulka ku dhacday ay keentay in uu ku dhaawacmay taliyaha booliska degmada Xamarweyne.

Xaaladda goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa hadda waxay kusoo noqotay mid caadi ah iyadoona uu ku dhow yahay suuqa Xamarweyne oo dadweyne fara badan ay ka ganacsadaan.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo maalinta Jimcaha oo ay taarikhda ku beegan tahay 26-ka Febraayo ay ku baaqeyn bannaanbax kale oo looga soo horjeedo dowladda.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category