Qarax labaad oo ka dhacay magaalada Muqdisho maanta

Sida ay sheegayaan wararka aan ka helya gudaha deegaanka DaaruSalaam qarax nooca miinada ayaa ka dhacay halkaasi, kaas oo noqonaya qaraxii labaad ee isla maanta ka dhacay gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa jugtiisa laga maqlay meelo kala duwan oo ka mid ah caasimada, iyada oo kadib ay xigtay rasaas xoogan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay guddoomiyaha maamlka degmada Yaaqshiid Axmed Cabdullahi Cariif iyo saraakiil Booliis ah oo la socotay.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale meesha tegay, kuwaas durbo xiray dhaq-dhaqaaqa meesha ay wax ka dhaceen.

Afhayeenka gobolka Banaadir oo la hadlay BBC-da ayaa shaaca ka qaaday in dhammaan ay bad qabaan mas’uuliyiinta iyo saraakiisha la socotay kolonyada la qarxiyey.

Saalax Dheere ayaa sidoo kale tilmaamay in qaraxaasi uusan geysan wax khasaare nafeed ah , marka laga tego bur-bur gaaray gaariga uu qaraxu haleelay.

Waa qaraxii labaad ee lala beegsanayo guddoomiyaha maamulka degmada Yaaqshiid oo todobaadyo, ka hor miino lagula eegtay isla deegaanka DaaruSalaam ee Muqdisho.

Category