Qarax lala eegtay masuuliyiin ka tirsan dowladda Somalia

Muqdisho (RH)-Wararka ka imaanaya gobalka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in kolanyo uu la socday guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Hoose, Cabdiqaadir Maxamed Siidi lagu weeraray meel u dhow deeganka Tixsiile oo qiyaastii 50km uga beegan magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa miino wadada dhinaceeda la galiyay waxaana ay ku qaraxay mid ka mid ah kolanyadii uu la socday guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Hoose.

Deeganka Tixsiile ayaa u dhexeysa magaalooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn oo kawadatirsan gobalka Shabeellaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaas, waxaana war ka soo baxay ay ku sheegeen in ay dileen qaraxaas afar askari oo ah kuwa gaar ah.

Ilo ku dhow ciidamada millitariga ayaa saxaafadda maxalliga ah u sheegay in qaraxaas ay ku dhaawacmeen labo sarkaal oo kaliya.

Qaraxas ayaa waxaa ka badbaaday guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha ku dhaawacmay waxaa ku jiray taliye ku xigeenka ciidamada Danab, waxaana kolanyadii ciidamada dowladda ay dib ugu soo laabteen deeganka Tixsiile.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category