Qarax xooggan oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (RH)- Qarax xooggan ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan waddada Dabka.

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhaawacmay qaraxa oo ka dhacay albaabka horre maqaayadda Barwaaqo oo ku taalla waddada Dabka.

Goobjooge ayaa sheegay qaraxa in loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay wax yaabaha qarxa kaasoo la dhigay maqaayadda Barwaaqo.

Qaraxa kaddib ciidamada ammaanka ayaa goobta gaaray, sidoo kale gaadidka gurmadka degdegga ayaa iyana goobta.

Waa qarixii labaad oo maanta ka dhaca magaalada Muqdisho, qarax lagu xiray baabuur uu lahaa sarkaal ka tirsan Galmudug sida la sheegay ayaa maanta barqadii ka dhacay Isgoyska Xaaji Baasto oo u dhexeeya Guriga shaqaalaha iyo KM4.

Ma jirin wax khasaare ah oo qaraxaas ka dhacay marka laga reebo gaarigii qaraxa lagu xiray iyo gaadid kale oo goobta yaalay oo ku gubtay.

Qaraxyadan ayaa ku soo aadaya ixilli ammaanka magaalada Muqdisho aad loo adkeeyay, waxaana inta badan xiran wadooyinka magaalada.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category