Qoys ka kooban 4 Qof Oo ku Geeriyooday Dhisme ku soo Dumay Magaalada Hargeysa

Hargeysa(RH)Allah Ha U Naxariistee Qoys ka kooban 4 Qof ayaa ku Geeriyooday Dhisme ku soo Dumay Magaalada Hargeysa,Marxuum Faysal Aadan Cabdi Diiriye iyo xaaskiisii Marxuumad Hinda Aw Axmed oo xaamilo ahayd iyo laba Carruura oo ay dhaleen ayaa  maanta ku geeriyooday ka dib markii uu ku soo dumay guri qadiimi ah oo ay jaar la’a ahaayeen  oo ku yaalay Xaafada Birjeex ee Degmada 31 May ee Magaalada Hargeysa

 

Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa ka hawlgalay maydkana ka soo Hoos saaray Burburka gurigaasi dumay,Maydadka ayaa hadda la Soo Gaadhsiiyey cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa

 

Geesta kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa Dhambaal Tacsi ah U Direy qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee qoys ka koobanaa Afarta ruux.Madaxweynuhu waxaa uu marxuumiintaa ALLE uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

q qq178df

 

Category