Qoyska nin lagu dilay laguna gubay Muqdisho oo codsaday cadaalad

Muqdisho (RH)- Qoyska Axmed Mukhtaar Saalax oo loo yaqaanno Axmed Dowlo oo dhawaan lagu dilay Muqdisho lana gubay meydkiisa ayaa dowladda federaalka ka codsaday in ay helaan cadaalad.

Qoyska marxuumka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay codsanayaan in ay helaan caddaalad maadama wiilkooda si fool xun loo dilay.

Axmed Dowlo ayaa loo dilay guur dhex maray wiil uu adeer u yahay oo guursaday gabar u dhalatay beel ka mid ah beelaha hubaysan ee Muqdisho dega.

Marxuumka ayaa waxaa dilay dad lagu qiyaasay 15 qof, kuwaasoo ku hubaysnaa middiyo baangado iyo eebooyin, sida ehelada marxuumka ay ku warramayaan.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay in la xiray qaar ka mid ah dadkii lagu tuhmay inay gaysteen oo ay ku jirto gabadha hooyadeed.

Dilkan ayaa noqday mid aad looga naxo waana mid noociisa ku cusub ama waayadan ka dhicin Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Marxuumka oo ka soo jeeda beesha Jareer weyne oo la yiraahdo, ayaa ka tagay 15 carruur ah iyo labo xaas, wuxuuna ahaa aabbo leh garaash baabuurta lagu sameeyo oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Guurka Heyb sooca ayaa muddo dheer ka soo jiray Soomaaliya.

Waa arrin cusub in meyd ama qof nool la gubo iyadoo loo aaneenayo arrimo guur.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category