Qoyskii sharciga lagala noqdey oo iskaga baxey Denmark.

RH. Kolding: Qoskan oo uu hore Radio Hormuud wareysi ula yeeshay  ayaa sharcigii dalka Denmark lagala noqdey loona sheegey in Denmark ka baxaan ama laga saaridoono inta ka horeysa 08.10.18.

Hadaba dhamaan qoyskii ayaa si dhuumasho ah kagabaxey wadankan Denmark  lamana oga ilaa hada meesha ay ku sugan yihiin.

waxaase Saalax Axmed aabaha dhalley caruurta uu fariin mahadnaq ah bartiisa Facebook u soo mariyey guud ahaan dadkii dhibka la qeybsadey ee ka xumaadey dhacdadii saameysay qoyskiisa gaar ahaan dadweynaha degmada Odder oo yar iyo weyn ka gilgishey sida reer kaas loola dhaqmey.

Saalax ayaa fariintiisa ku yidhi , waad ku mahadsantihiin taageeradiina, waxaan aadey meel aan aniga iyo qoyskayguba ku dareemayno nabad, xasilooni iyo rejo , isaga oo  sheegay in xasiloonidii uu ku heystay Denmark ay dhamaatey 17.sep.18 maallintii loo soo direy fariintii aheyd in sharcigii laga noqdey dalkana ay ka baxaan.

ka hor maallintii ay Denmark ka tageen way sii sagootiyeen dadkii ay yaqaaneen sidoo kale caruurtu way nabadgalyeeyeen caruurtii iskuulka wada dhigan jireen oo qaarkood ay ooyeen.

 

cdfr

 Sawiro muujinay mudaharaad lagu taageerayey qoyska oo dhamaadkii Sebtember ka dhacey degmada Odder gaar ahaan xarunta dawladahoose.

vvgt

 

bhyu

 

vvfgyrfv

 

vdq

 

vgp

 

bfq

 

vbbnm

 

Dhamaan sawirada waxaa qaadey Søren E. Alwan , waxaananu ka soo xiganey. hsfo.dk/odder

Category