Rag uu ku jiro nin xaaskiisa dilay oo iyana Kismaayo lagu toogtay

Kismaayo (RH) Magaalada Kismaayo waxaa sakaa lagu toogtay seddax nin oo uu ku jiro nin horrey xaaskiisa u dilay.

Maamulka Jubbaland ayaa xukun dil ah ku fuliyey seddax nin oo uu ku jiro Cabdillaahi Asad oo 14-kii bishii April ee sannadkan xaaskiisa Muxubo Maxamed Guuri ku dilay magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale, xabsiga dhexe ee magaalada Kismaayo ayaa maanta laga sii daayey qeybtii ugu horreysay maxaabiis gaaraya 46, kuwaasoo madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) cafis u fidiyey maalintii ciidda soonfur.

Maxaabiista la sii daayey ayaa ku la soo xiray xilliyo kala duwan waxaana loo heystay dambiyo kala duwan.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category