Ra'iisul Wasaaraha Denmark oo arooskeeda u baajisay shir dartiis

Haweeneyda Ra;iisul Wasaaraha ka ah waddanka Denmark, Mette Frederiksen ayaa markii saddexaad dib u dhigtay, si ay uga qeyb gasho shir ay yeelanayaan madaxda dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub.

Kulankaas, oo ku saabsan mowduucyo la xiriira aruurinta dhaqaale looga soo kabsado saameynta cudurka Covid-19, ayaa dhici doona 17,-ka iyo 18-ka bisha July ee foodda nagu soo heysa.

Wuxuu noqon doonaa shirkii ugu horreeyay ee ay hoggaamiyeyaasha dalalka Midowga Yurub isugu imaadaan tan iyo markii lasoo rogay xayiraadaha lagu xakameynayay faafitaanka fayraska corona.

Ms Frederiksen ayaa la filayay in iyada iyo saaxiibkeed Bo Tengberg uu arooskooda dhaco 18-ka bisha July.

Barta ay ku leedahay Facebook ayey ku sheegtay inay ku khasban tahay "ilaalinta danaha Denmark".

Dowladda Denmark ayaa kasoo horjeedsatay qorshaha dhaqaalaha loogu aruurinayo waddamada uu sida ba'an u saameeyay cudurka corona.

Mette Frederiksen waxay dib u dhaca arooskeeda ku shaacisay barteeda Instagram-ka

Denmark, Sweden, Austria iyo Netherlands ayaa sheegay in lacagta la aruurinayo oo dhan €750bn (£676bn; $840bn) ay tahay mid aad u badan, waxayna ku adkeysteen in deyn ahaan la isaga qaado dibna loo bixiyo.

Shirka madaxda EU-da oo ka dhici doona magaalada Brussels ayaa xilliga la qabanayo la shaaciyay maalmihii lasoo dhaafay gudahooda.

Ms Frederiksen ayaa qoraal ay Facebook soo dhigtay ku tiri: "Waxaan aad u rajeynayaa inaan guursado ninkan cajiibka ah. Laakiin sida caadiga ahba, taasi ma aha inay noqoto wax iska sahlan, shirka golahaha wuxuu dhacayaa Sabtida bisha July ee aan ku ballansaneyn xafladda arooska."

Waxay sheegtay inuu guurkooda dhici doono mar dhow, ninka ay u doonnan tahayna uu yahay "mid dulqaad leh".

Lama sheegin xilliga rasmiga ah ee uu arooskooda dhici doono.

Lammaanahan ayaa markii ugu horreysay lagu waday inay is guursadaan xagaagii sanadkii 2019-kii, laakiin waxay u baajiyeen doorashadii guud awgeed.

Xiggasho: BBC

Category