Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo geeriyooday

ISTANBUL (RH)—Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax ayaa saaka ku geeriyooday dalka Turkiga, sida ay VOA u sheegeen ehelladiisa.

Xasan Abshir Faarax ayaa muddo xanuunsanaa, waxaana uu ahaa 77 sano jir.

Xasan Abshir waxa uu xilal ka duwan kasoo qabtay Soomaaliya, isgaoo soo noqday Ra’isul Wasaare xilligii dawladii Madaxweyne Cabduilqaasim Salaad Xasan.

Sidoo kale Xasan Abshir Faarax waxa uu soo noqday duqii magaalada Muqdisho xilligii dawladdii hore ee Maxamed Siyaad Barre.

Sannadihii u dambeeyey Xasan Abshir Faarax waxa uu xubin ka ahaa baarlamaanka federaalka Soomaaliya ka hor intii uusan ka fariisanin siyaasadda.

Dhinaca kale waxaa magaalada Nairobi ku geeriyooday xalay Madaxweynihii iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.

Maxamed Cabdi Xaashi ayaa jagadaasi ka beddelay madaxweynihii hore ee Puntland Cabdullaahi Yuusuf Axmed markii u noqday madaxweynaha Soomaaliya sannadkii 2004-ka.

ISHA: VOA

Category