Rasmus Paludan oo fal cunsurinimo loo xukumey.

Denmark: Gudoomiyaha xisbiga xagjirka ah ee Stram Kurs  ninka lagu magacaabo Rasmus Paludan  ayaa todobaadkan maxkamada darajada labaad ku xukuntay 14 cisho oo xabsi shardiyaysan ah , kadib kolkii ay ku cadaatey in uu galley dambi Cunsurimo  kuna xadgubey xeerka ciqaabta ee cunsuriyada oo nambarkiisu yahay 266 b.

Falkan ayaa dhacey  bartamihii sannadkan xilligaas oo uu Video youtube uu soo galliye ku caayey dadka madaw isaga oo ku sheegay in Negerka ay maskaxdiisu ka hooseyso ta dadka kale , isaga oo ka faaloonayey dadka madow ee koonfur Afrika.

Bishii July ayaa hadaba ay maxkamada darajada 1aad ku xukuntey xabsi dhan 14 maalmood kadibna waxa uu ambiil u qaatey maxkamada darajada 2 aad taas oo iyna todobaadkan taageertay xukunkii hore.

Ninkan cunsuriga ah ayaa markii xukunkaasi ku dhacey codsadey in uu ambiil kale u qaato maxkamada sare waxaase arinkaasi diidey gudiga qabashada araajida ambiilka (Procesbevillingsnævnet).

Xukunkan ayaa wasakheyndoona CV giisa maadaama oo ay hada maxkamadi kucadeysay kuna xukuntay falalkiisa cunsuriyada ku dhisan.

 

Waxaa diyaariyey

Mohamed-amiin Siyad Abdi

Category