Raysal wasaaraha Soomaaliya oo xilka ka qaaday wasiirkii awqaafta iyo arrimaha diinta

Muqdisho (RH)-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta oo Isniin ah xilka ka qaaday wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda Soomaaliya Xasan Macallin Xuseen, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Lama sheegin sababta xilka looga qaaday wasiirka oo xilkan hayey wax aan ka badneyn muddo bil iyo bar maadama loo magacaabay 24-kii May ee sannadkan.

Ma jirto cid loo magacaabay xilka wasiirka shaqada laga eryey.

Ilo xog-ogaal ayaa sheegay in wasiirka xilka looga qaaday muran la xiriira arrimaha xajka, maadama wasaaradda iyo hey'adda loo xil saaray xajidka uu ka dhex jiray muran weyn oo ku saabsan arrimaha Xajka.

Dowladda Soomaaliya ayaa shan shirkadood horre u siisay ruqsad la xiriirta daabulidda xujeyda Soomaaliya.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category