Roobab xoggan oo ka da'aya Puntland iyo dufaano laga cabsi qabo

Garowe (RH)-Wararka ka imaanaya Puntland ayaa sheegaya in deeganno ku yaalla maamulkaas ay ka da'ayaan roobab xoggan, waxaana laga cabsi qabaa in ay ku dhufato dufaanta Buwaan oo la sheegay inay ku soo wajahan tahay Soomaaliya.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in dufaanta ay maanta oo Sabti ah ku soo wajahan tahay magaalada eyl iyo deeganno kale oo ku dhowdhow.

Masuuliyiinta ayaa uga digay dadka xeebaha deggan iyo dhul badkiisa hooseeya in ay ka fogaadaan deegannadaas, waxaana tan iyo xaley Eyl ka da'ayay roobab dabeylo wata.

Guddoomiyaha degmada Eyl Muuse Cismaan Yuusuf, ayaa saxaafadda u sheegay in xaley magaalada uu ka da'ay roob xooggan lagana cabsi qabo dufaan culus maadama magaalada uu ka da'ayo roob xooggan.

Waxa uu sheegay in dadka looga digay in ay tagaan xeebaha, dadka miiga joogana lagu wargaliyay in ay tagaan goobaha buuraha ee magaalada ku yaalla.

Warku waxa kale oo uu sheegayaa in deeganno badan ay ka maqan tahay isgaarsiinta, lamana oga xaaladda ay ku sugan yihiin dadkaas ku dhaqan.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category