Ruushka oo soo saarey qoraal ku saabasan Somaliland

RH: Qoraal kasoo baxay dawlada Ruunshka ayaa lagu sheegay inay muhiim tahay dib u bilaabista wada-hadalo dhex-mara dowladda Soomaaliya iyo Somaliland.

Ruushka ayaa sheegay inuu rajenayo in si deg deg ah u bilowdo wada-hadaladaasi dowladda Farmaajo oo xiligan uu kasii dhamaanayo muddo xileedkeedu, isla markaana ay dib usoo celiso xiriirkii wanaagsana ee kala dhaxeeyay maamulka Jubbaland.

“Waxaan bogaadinaynaa horumarka Wada-hadalka siyaasasdeed ee u dheexeeya Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul-gobolleedyada ee laga gaadhay diyaarinta Doorashooyinka”.

Sidoo kale waxa lagu yiri “Waxaanu dowladda (Soomaaliya) si dhakhsi ah uga rajeynaynaa inay dib u bilowdo Wada-hadalladii Somaliland iyo inay xiriir caadiya la samaysayo Jubbaland”.

Qoraalkan ayaa imanaya xili ay Soomaaliya wajahayso doorashooyin ay ka taagan yihiin muran badan, isla markaana dowladda talada haysa ay xiisado siyaasadeed kala dhaxeeyaan qaar kamid ah maamulada dalka.

 

Category