Saldhigga Imaaraadka Carabta Ee Berbera Oo La Furayo Bisha June 2019ka

Hargeysa(RH)Saldigga Militari ee Imaraadka Carabta ee magaalo Xeebeeda Berbera  ayaa la filaya in xadhiga laga jaro bisha June ee sanadkan 2019-ka waxaana la filaya in halkaasi lagu rakibo qalab taageeraya ilaalinta biyaha Bada Somaliland.

Sidaana waxa lagu sheegay war-bixin dheer oo lagu daabacay majadalada lagu magacaabo East African Business Week, waxaana lagu sheegay war-bixintaasi in Saldhigga millatari ee Imaaraadka Carabtu ka dhisanayey Somaliland lagu wado inuu bilaabo shaqadiisa bisha Juun, kaasi oo uu wehelin doono nidaam lagu ilaalinayo xeebaha Somaliland .

Dhanka kale war-bixinta ayaa lagu soo xigtay hadal uu hore u sheegay safiirkii hore ee Somaliland u joogay Imaaraadka Carabta Baashe Cawil, kaasi oo ahaa mid uu ku sheegay in aanay Somaliland haysan awood dhaqaale oo ay ku ilaaliso xeebaheeda.

Saldhiga militariga Imaraadka Carabta ayaa ka caawin doona gobolka oo dhan - Budhcad-badeednimada, kalluumeysiga sharci-darrada ah, daadguraynta sunta, mana haysanno ilo dhaqaale oo lagu ilaaliyo xeebahayaga, "ayuu Amb Baashe Cawil ku sheegay wareysi hore oo lala yeeshay.

 

Category