Sawirro: Bandhigga buugaagta Muqdisho oo furmay sannadkii lixaad

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxa ka furmay bandhigga caalmiga ah ee buugaagta, waana sannadkii lixaad ee la qabanayo bandhiggan tan iyo markii la billaabay sannadkii 2015-kii.

Sheekh Maxamed Diini oo ah aasaasaha carwadan ayaa sheegay in sannadkii horre loo baajiyay sababo la xiriira xanuunka safmarka ah ee COVID 19, sannadkanna la xaddiday dadka ka soo qeybgalaya lana baddelay halkii lagu qaban jiray oo hadda bandhigga waxa uu ka socda hotelka Jazeera ee u ku yaala agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Bandhigga ayaa loogu talagalay inuu socdo saddex cisho shaley ayuu furmay berrina waa uu soo xirmi doonaa.

Inta bandhigga uu socdo waxaa lagu soo bandhigayaa buugaag ay qoreen Soomaali iyo ajenbi, sidoo kale waxaa ka qabanayaa doodo, iyo aqoon isweydaarsiiyo, iyo tababaro ku saabsan dhaqanka iyo suugaanta mudada seddexda maalin ah ee ay socoto carwadaasi.

#MBF2021#MBF2021

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category