Sawirro: Midowga Musharixiinta oo ku baaqay bannaanbax kale Jimcaha

Muqdisho (RH)-Midowga musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya, oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho, ayaa ku baaqay isku soo baxyo cusub maalinta Jimcaha oo ay taarikhda ku beegan tahay 26-ka Febraayo, kadib markii dibadbixii horrey ugu dhawaaqeyn Jimcihii ay dowladda joojisay.

Madaxweynihii horre ee Soomaaliya Sheekh Shariif Shekh Axmed oo ah guddoomiyaha midowga musharixiinta oo ugu horreyn shirka jaraa'id ka hadlay ayaa sheegay in dibadbaxyada ay muhiim u yihiin dimuquraadiyada in dalka uu u noqdo dal wanaagsan.

Waxa uu sheegay in Jimcaha soo socda oo bishan ay ku beegan tahay 26 ay dhigi doonaan dibaxbax ay ku tegi doonaan Daljirka Daahsoon oo laga hor istaagay jimcihii horre.

"Mudaaharadyadu waa xaq dastuuri ah oo dhamaan dadka Soomaaliyeed ay xaq u lee yihiin, marka haddii ay ku cabirayaan ra'yigooda lama faragalin karo dowladdana waa ay xaq u lee dahay in ay ilaaliso"ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sheekh Shariif ayaa wixii dhacay 19-kii bishan ku tilmaamay wax nasiib darro oo lagu rabay in lagu qaarijiyo masuuliyiin xilal sar sare ka soo qabtay dalka oo rabay in ay ka qeyb qalaan bannaanbaxyada.

Sheekh Shariif ayaa saluugay hannaanka loo marayo doorashada oo uu sheegay in kaliya lagu koobay madaxda dowladda iyo kuwa maamul goballeedyada, waxaana uu ku baaqay in lagu daro kulamadaas saamileyda siyaasadda.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isna ka hadlay shirka jaraa'id ayaa sheegay in wixii dhacay 19-kii bishan aan la isaga daba harin doonin.

Sidoo kale, guddoomiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu beesha caalamka ku eedeeyay in ay iska indha tirayso wixii dhacay 19-kii bishan.

Dowladda federaalka illaa hadda kama hadlin hadalka ka soo baxay midowga musharixiinta, iyadoo horrrey u joojisay isu soo baxyada sababo la xiriirka xanuunka COVID 19 oo dalka ku soo laba kacleeyay.

Jimcihii ayaa waxaa dhacay rabshado, kadib markii qaar ka mid ah musharixiinta lagu rasaaseeyay isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho xilli ay ka qeybgalayeen bannaanbaxyo dowladda looga soo horjeedo.

 

Sheekh Shariif Midowga musharixiinta oo shir jaraa'id qabtaySheekh Shariif oo saxaafadda u warramaya

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category